Cuba waa dal ay dhakhaatiirtiisu ku shaqeeyaan lacag aad u yar, taas oo dadka qaar ay saluugi lahaayeen xataa haddii hal saac oo shaqo ah la siin lahaa. Dalkani waa mid arrimo badan la gaar ah marka ay timaaddo dhanka caafimaadka, waana dal si weyn ugu caan ah dhakhaatiirta uu dunida u dhoofiyo. Hadaba, waa maxay qisada ku gadaaman dhakhaatiirta dalkaan ee amakaaga iyo dhabana-haysiga laasimay?

Cuba waa mid ka mid ah dalalka jasiiradaha ah ee ugu caansan dunida, waxayna dhacdaa badda Karibiyaanka (Caribbean). Magaalada ugu weyn dalkaan, ahna caasimaddiisa, waa Havana, oo sidoo kale ah isgoyska ganacsiga ee dalka.
Cuba waxay ahayd dhul uu Isbaanishku gumeysto ilaa sannadkii 1898-kii. Dhacdooyinka taariikhiga ah ee dalkani la soo kowsadayna waxaa ugu caansan kacdoonkii Cuba ee uu hoggaaminayay Fidel Castro, kaas oo sannadkii 1959-kii awoodda looga tuuray kaligii-taliye Fulgencio Batista.
Sannadkii 1961-kii, dalku wuxuu yeeshay dowlad hantiwadaag ah oo iskaashi la sameysay Midowgii Soofiyeeti. Intaas ka dib, Maraykanka ayaa ku soo rogay cunaqabatayno ilaa maanta saaran, kuwaas oo si weyn u saameeyey dhaqaalihiisa.
Qoyska reer Castro ayaa xukumayay dalkan muddo ka badan 60 sano; Fidel Castro wuxuu xilka wareejiyay sannadkii 2008-dii, waxaana madaxweyne noqday walaalkiis Raul Castro oo muddo 10 sano ah xilka hayey. Haatan waxaa madaxweyne ka ah dalkaan Miguel Díaz-Canel oo beddelay Raul Castro.



Cuba waa dal muddo dheer lagu ammaani jiray nidaamkiisa caafimaad ee dadka oo idil u furan, kaas oo ku dhisnaa ka-hortag, tayo, iyo in uu bilaash yahay. Dad badan oo reer Latin America ah ayaa tan iyo lixdankii u arkayay Cuba meel ay ku tiirsan yihiin marka ay timaaddo tababarada caafimaad iyo daryeelka bulshada. Laakiin, marka aad maanta gudaha u gasho isbitaallada Cuba, waxaa kuu muuqanaya inuu burbur ku dhow yahay nidaamkii caafimaad ee dalkaan, oo xitaa ka horumarsanaa dalal badan oo Yurub ah. Qalab aan habboonayn, daawo la’aan, koronto si joogto ah u tagaysa, dhakhaatiir daalan, iyo bukaanno rajadu ka sii dhammaanayso ayaa lagu tilmaami karaa tayada caafimaadka Cuba ee maanta.
Mushaharka dhakhaatiirta Cuba waa mid aad u hooseeya marka loo eego caalamka. Sannado badan, mushaharka dhakhaatiirta gudaha wuxuu ahaa $30–$60 bishii. Sannadkii 2011-kii, dowladda Cuba waxay si rasmi ah u kordhisay mushaharka ilaa ku dhowaad $64 bishii. Sannadkii 2024-ka, dhakhaatiirta qaarkood, sida kuwa ku takhasusay cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga (cardiologists), waxaa mushaharkooda laga dhigay 17,000 oo Pesos, halka uu markii hore ka ahaa 6,500 oo Pesos. Laakiin, lacagta Cuba maaha mid xooggan, marka la eegana sarrifka doollarka ee suuqa madow, lacagtaas wax badan ma tarto.
Awoodda dhabta ah ee wax-iibsiga (purchasing power) ee dhakhaatiirta waxay u dhigantaa qiyaastii $10–$50 bishii, taas oo ka dhigaysa kuwa ugu mushaharka hooseeya caalamka. Inkasta oo waraaqaha dowladda ay ku qoran tahay lacag u muuqata mid sarreysa, haddana awoodda wax-iibsiga ee dhabta ah waxba ma goyso. Tani waxay keentay in dhakhaatiir badan ay ka niyad-jabaan shaqada, ilaa ay qaarkood noqdeen darawallo taksi, maadaama darawal taksi uu maalin gudaheed heli karo lacag ka badan tan uu dhakhtarku bishii ku shaqeeyo, gaar ahaan marka uu helo dalxiise.
Dhaqaalaha Cuba waxaa si buuxda gacanta ugu haysa dowladda (state-controlled). Shaqaalaha dowladda oo dhan—sida dhakhaatiirta, macallimiinta, iyo injineerada—waxaa mushaharkooda go’aamiya dowladda dhexe. Ma jiro suuq furan iyo tartan sahli kara kala doorasho mushahar; qof walba wuxuu ku qasban yahay waxa ay dowladda u qorsheyso. Qiimo-dhaca lacagta dalka waxaa sabab u ah maalgashiga oo liita, sicir-bararka oo xooggan, iyo wax-soo-saarka oo hooseeya.

Si loo maareeyo daryeelka caafimaadka iyo waxbarashada bilaashka ah, dowladda ayaa hoos u dhigtay mushaharka shaqaalaha, maadaama dalku ay saaran tahay cunaqabatayn xaddidaysa ganacsiga iyo soo gelidda lacagaha adag.
Cuba waxay dhistay mid ka mid ah barnaamijyada caafimaad ee ugu ballaaran, uguna saamaynta badan dunida, kaas oo loo yaqaan ‘Cuban Medical Internationalism’. Dhakhaatiirtu waxay dowladda u yihiin “il dakhli dibadeed.” Kumanaan dhakhaatiir ah ayaa dibadda loo diraa si ay dowladda ugu soo xereeyaan lacag adag. Dowladda ayaa kala heshiisa dalalka ay u direyso inta lacag ah ee la siinayo, iyadoo dowladda Cuba ay qaadato inta badan lacagtaas (50% ilaa 75%).
Barnaamijka ay Cuba dhakhaatiirta ugu dirto dibadda waa mid ujeedooyin kala duwan xambaarsan; wuxuuna huwan yahay diblomaasiyad iyo dano dhaqaale, isagoo mararka qaar noqda gargaar bini’aadanimo oo ay Cuba sumcaddeeda kor ugu qaaddo.
Habab kala duwan ayuu u shaqeeyaa, wuxuuna leeyahay guutooyin hawlwadeenno caafimaad ah. Sannadkii 1963-kii, ayay Cuba markii ugu horreysay dibadda u dirtay dhakhaatiir caafimaad, iyadoo markaasi u dirtay dalka Algeria. Wixii intaas ka dambeeyayna, waxay dirtay boqolaal kun oo isugu jira dhakhaatiir, kalkaaliyeyaal, iyo shaqaale caafimaad, kuwaas oo loo kala diray in ka badan 165 dal oo caalamka ah. Dalalka ugu badan ee ay Cuba dhakhaatiirta u dirtay waxaa ka mid ah Venezuela, Brazil, iyo Koonfur Afrika. Ilaa 39 dal oo Afrika ku yaalla ayaana la sheegaa inay Cuba u dirtay dhakhaatiir, xitaa dalal Yurub ku yaalla sida Talyaaniga ayaa ka mid ah kuwa ay ku taageertay dhaqaatiirta.


Cuba waxay leedahay koox gurmadka caafimaadka ee degdegga ah qaabilsan oo loo yaqaan Henry Reeve; waa koox xirfadlayaal caafimaad ah oo caalamka ka hawlgala, waxaana la asaasay sannadkii 2005-tii. Waa koox si gaar ah ugu takhasustay gurmadka musiibooyinka iyo cudurrada faafa. Waxay qayb ka ahaayeen gurmadyadii dhulgariirradii Nepal iyo Pakistan, xakameyntii cudurka Ebola ee Galbeedka Afrika, iyo daryeelidda bukaannadii COVID-19. Kooxdan ayaana ah tan ugu sumcadda badan xirfadlayaasha caafimaad ee ay Cuba dibadda u dirto.
Cuba waxay sannadkii 1999-kii furtay Dugsiga Caafimaadka Latin America (ELAM), oo ah mid bilaash ah oo ay ugu talagashay ardayda ka soo kala jeeda sida Latin America, Afrika, iyo Aasiya. Ardaydu waxay helaan waxbarasho bilaash ah, hoy, cunto, iyo tababar caafimaad oo dhammaystiran.
Sidoo kale, Cuba waxay hormuud u ahayd barnaamijka caafimaadka ee loo yaqaan Operación Milagro (Hawlgalka Mucjisada), kaas oo ahaa barnaamij qalliin indhaha loogu sameeyey in ka badan 4 milyan oo ruux oo ku kala sugan ilaa 34 dal.
Cuba waxay dhanka caafimaadka u adeegsata dano siyaasadeed, sida dhisidda xiriir diblomaasiyadeed, kasbashada taageero caalami ah, iyo yareynta saameynta go’doominta uu Maraykanku ku hayo. Marka laga yimaaddo siyaasadda, isha ugu weyn ee lacagta adag (hard currency) ay ka hesho Cuba-na waa mushaharka la siiyo dhakhaatiirta dibadda ku sugan, oo ay dowladdu qayb ahaan u qaadato. Waxuuna dakhliga ay ka hesho dhakhaatiirta ay dibadda u dirto uu ka badan yahay dakhliga ka soo gala dalxiiska iyo macdanta Nickel-ka oo uu dalkaan qaniga ku yahay.
Hay’ado badan oo xuquuqal-insaanka u dooda iyo xataa Qaramada Midoobay, waxay ku tilmaameen dhakhaatiirta Cuba kuwa qabta shaqo qasab ah iyo inay yihiin kuwo ku jira addoonsi casri ah. Waxaana dowladda Cuba lagu eedeeyaa in ay ka goosato xuquuqdooda mushahar 50% ilaa 75%.
Dhakhaatiirta dibadda ka shaqeeya waxay dhaamaan kuwa gudaha jooga, kuwaas oo inta badan ku fikiro sidii ay uga mid noqon lahaayeen kooxaha dibadda loo diro; maadaama mushaharka ay gudaha ka qaataan iyo awooddooda wax-iibsigu aysan isku dhigmin.
Adeegga caafimaadka ee gudaha Cuba wuxuu markii hore ahaa mid ku-dayasho mudan oo tayo sarreeya, balse sannadihii dambe wuxuu noqday mid aad u liita. Waxaana dowladda lagu eedeeyaa in xirfadlayaasha caafimaad ee ugu tayada sarreeya ay dibadda u dirto, halkii ay mudnaanta koowaad siin lahayd baahida caafimaad ee gudaha dalka.
Bilowgii sannadkii 2016-kii, madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama ayaa booqday Cuba, wuxuuna fududeeyey xiriirkii adkaa ee labada dal ka dhexeeyey. Laakiin, markii Donald Trump uu xilka la wareegay 2017-kii, wuxuu dalkan ku soo rogay xayiraado dhaqaale oo toos ah; sannadkii 2021-kiina, Maraykanku wuxuu Cuba ku daray liiska dalalka taageera argagixisada, taas oo sii adkeysay in shirkadaha caalamku ay la macaamilaan ama la ganacsadaan dalkaan.
Nidaamka maaliyadeed ee caalamka wuxuu Cuba ka dhigay dal aan la jaleeci karin, taas oo ka dhigan in dalkaan daawo laga iibin karo, balse aan si fudud loo gaarsiin karin. Miisaaniyadda daawooyinka iyo qalabka caafimaadka ee Cuba-na waxay maanta ka yar tahay saddex meelood meel marka la eego sannadihii la soo dhaafay.
Cuba waxay ahaan jirtay dalka ugu dhakhaatiirta badan Latin America marka la eego tirada dadkeeda. Laakiin maanta, boqolaal dhakhtar ayaa sannad kasta isaga tahriiba dalka, ka dib markii mushaharka aadka u yar iyo daawo la’aantu ay shaqadii ka dhigeen mid niyad-jab leh.

Isbitaallada Cuba maanta waxay leeyihiin xarumo dhan oo loo yaqaan, “El Cementerio de Equipos” — oo la macno ah ‘Qabuuraha Qalabka Caafimaadka’ ee duugoobay, isla markaana aan habboonayn in la adeegsado.
Mararka qaar dhakhaatiirta dalkaas waxaa lagu tilmaamaa halyeeyo weli ku dhiirran daweynta dadka; waxayna sameeyaan qalliinno iyaga oo aan haysan qalab ku filan, waxayna la tacaalaan bukaanno aan heli karin dawooyinkii ay u baahnaayeen maadaama dalka aan la soo gelin karin.
Cuba waxay weli leedahay dhakhaatiir aqoon sarre leh oo aan weli dalka ka niyad-jabin iyo awood cilmi-baaris oo aan weli lumin. Laakiin, waxaa dhabarka ka saaran caqabado aad u culus sida: cunaqabatayn siyaasadeed, burbur dhaqaale, qalab sii duugoobaya, iyo dawooyinka oo gabaabsi ah.