Japan: Boqortooyada ugu Da’da Weyn Dunida iyo Ciidankii Samurai

In ka badan laba kun oo sano ayay boqortooyadan jirtaa waliba—iyadoo aan hal mar xukunkeedu kala go’in. Waxey soo martay marxalado xasaasi ah, ayadoona xitaa Mareykanka argagax gelisay kadib markii ay Shiinaha jeelka dhigtay.

Waa mid taariikh dheer, arrimo badan oo xiisa lehna ay ku gadaaman yihiin; gaar ahaan cida loo ogol yahay in ay hogaamiso.

Dalka Japan waa mid leh nidaamka boqortooyo ee ugu da’da weyn dunida ee weli shaqeeya. Taariikhda boqortooyada dalkaana waxey u laabaneysaa qarnigii 7-aad ka hor taariikhda Miilaadiga; waxaana Jimmu, oo loo arkaa in uu yahay boqorkii ugu horreeyay ee Japan, iyo asaasaha xukunka boqortooyada.

Inkastoo taariikhyahanno badani ay shaki ka qabaan in Jimmu uu si dhab ah u jiray, haddana boqortooyada Japan waxaa loo tixgeliyaa in ay si rasmi ah u bilaabatay sanadkii 660 BC. Waa taariikh ilaa maanta laga xuso dalkaan, waxaana jirta maalin qaran oo la yiraahdo “Kenkoku Kinen no Hi”—waa maalinta la xuso aasaaska dalka Japan.

Tan iyo 660 BC, xukunka boqortooyada Japan wuxuu ahaa sil-silad aan kala go’in; boqorraduna waxay ahaayeen kuwa hal qoys ku aroora oo isku faraca. Sidaas darteedna, boqortooyada Japan waa boqortooyada ugu da’da weyn ee si joogto ah u jirta.

Waxaa jira kuraafaadyo lala xiriiriyo asaaska boqortooyadaan oo asal ahaan u laabanaya diinta Shinto, oo ah diinta asalka ah ee Japan; waana mid aad ugu xiran dhaqanka, taariikhda, iyo aqoonsiga dadka Japan.

Qadiim ahaan, Japan waxaa si weyn looga rumaysnaa in boqorrada boqortooyada ay yihiin caruur iyo farac toos ah oo ka soo jeeda ilaahyada samada, gaar ahaan ilaaha qoraxda ee diinta Shinto. Wuxuuna arinkani siin jiray boqorada awood dheeriya iyo in loo arko kuwa ilaahyo ku xiran.

Qarnigii 9-aad, Japan waxay lahayd boqor fadhigiisu ahaa magaalada Kyoto. Laakiin wuxuu waqtigu isguraba, awoodda boqorka waa ay yaraatay; waxaana ku adkaatay in uu si toos ah u maamulo gobollada fog.

Kadibna, dadka hodanka ah iyo gudoomiye goboleedyo la oran jiray “daimyo”—ayaa bilaabeen in ay dhulkooda si madax bannaan u maamulaan. Qoys walba wuxuu rabay in hantidiisa iyo dadka uu xukumo ay nabad galaan, waxayna bilaabeen inay qortaan dagaalyahanno gaar ah oo difaaca—kuwaas oo markii danbe isku rogay “samurai” oo macne ahaan ah adeegayaal.

samurai

Hadaba, markii taliyayaal goboleedyadu tiradoodu badatay, mid walba wuxuu iskudayey in uu noqdo kan ugu awoodda badan. Kadibna, dagaallo waaweyn ayaa qarxay, gaar ahaan dagaaladii u dhaxeeyey laba qaabiil oo waaweyn oo lagu kala magacaabayey: Taira iyo Minamoto. Waxaana dhexmaray dagaalkii Genpei oo socday 1180–1185; wuxuu ahaa dagaal go’aamiyay mustaqbalka Japan, waxeyna guushu raacday qabiilka Minamoto. Taliyahoodiina wuxuu noqday ninkii ugu horreeyay ee la siiyo darajada “Shogun”—oo ahayd darajo lasiin jiray ama magaca loogu yeeri jiray taliyaha guud ee ciidankii Samurai.

Isbadelkaas kadib, dalka wuxuu yeeshay nidaam cusub oo la yiraahdo “Shogunate”; wuxuuna ahaa nidaam ogolaanayey in Shogun-ka ama taliyaha ciidanka samurai uu xukumo dalka. Wuxuuna nidaamkaas boqorka Japan ka dhigay astaan la ixtiraamo oo aan awood lahayn.

Samurai waxey ahaayeen dagaalyahanno xirfad sare leh oo adeegayaal ahaa muddo ka badan 700 sano. Qarnigii 10-aad ayey si rasmi ah usoo shaax baxeen, waliba xilli ay Japan cagaha kula jirtay nidaam beeleed (feudal system). Waxay ahaayeen kuwa u adeega oo ku shaqeeya amarka shogun-ka ama taliyahooda guud, waxaana loo arki jiray tiirka ugu muhiimsan ee awooddii siyaasadeed ee Japan.

Waxey tixgelin jireen boqorka, waxeyna u arkayeen mid ruuxiya oo farac ahaan u laabanaya ilaaha qoraxda. Waxay ku dhaqmi jireen xeer adag oo akhlaaqeed oo la yiraahdo ”Bushido”, oo macnihiisuna yahay “Jidka dagaalyahanka.”

Sidoo kale, waxey lahaayeen nidaam la yiraahdo “seppuku” ama “hara-kiri” oo dhigayey in qofka Samurai uu isdilo halka uu ceeb ku noolaan lahaa.

Waxaa dalkaan ka hanaqaaday nidaam bulsho oo adag, oo fasalka ugu sareeya ay yihiin Samurai; kuwa kusoo xigana waxey ahaayeen beeralayda, dadka farshaxanka yaqaan, iyo ganacsato.

Ciidankii samurai muuqaalkoodu waa mid ilaa maanta caanka ah dunida, gaar ahaan marka la eego filimada iyo farshaxanka Japan. Sidoo kalena, waa kuwa ilaa maanta laga sharfo kaalin weyna ku leh dhaqanka dalka Japan.

Sanadkii 1868, Japan waxaa ka curtay isbadel aad u weyn, waxaana la qaaday talaabo lagu casriyeynayo nidaamka dowliga ah laguna laalay nidaamka beeleed. Waa isbadel loo yaqaan “Meiji”, kaas oo lagu doonayey in dalka looga dhigo mid casri ah; waxaana la baabi’yey nidaamkii samurai iyo shogun, ayadoona la dhisay ciidan qaran oo cusub.

Isbadelkaasi waxaa awoodeedii kusoo ceshatay boqortooyadii dalkaan, maadaama muddo ka badan 700 sano ay Samurai dalka si toosa u xukumayeen.

Ka hor isbadelka, Japan waxey ahayd mid go’doonsan, lkn Mareykanka ayaa si weyn u daneeyey dalkaan asigoona sameeyey dhaqdhaqaaq uu ku doonayey in lagu furo dekadaha iyo ganacsiga Japan. Hadaba, tani waxay dhalisay muran iyo cabsi ku saabsan in Japan la mid noqoto dalalka kale ee ree Yurub gumeystaan. Markaas kadib, dhalinyaro iyo saraakiil reer Japan ah ayaa soo jeediyey in dib loo soo celiyo awoodii boqorka, Japan-na laga dhigo dal casri ah si aanu cidna ugu tiirsanaan.

meiji restoration

Waxaa xiligaasi Japan boqor ka ahaa boqor lagu magacaabeyey Meiji, kaas oo horumuud u noqday casriyeynta Japan, asigoona dhiirrigeliyay waxbarashada, warshadaha, iyo in la dhiso ciidan hub casri ah ku qalabeysan.

Isbeddelkii Meiji (Meiji Restoration) ee 1868 wuxuu ahaa midkii ugu weynaa taariikhda Japan; wuxuuna si buuxda u beddelay nolosha, siyaasadda, dhaqaalaha, iyo bulshada dalkaan.

Japan, oo ahayd dal beeraley ah oo go’doonsan, ayaa loo beddelay dal warshada leh; waxaana la sameeyey warshadaha birta, maraakiibka, iyo dharka. Waxaa la dhisay wadooyin tareen iyo dekedo, ayadoona la abuuray nidaam lacageed iyo bangi.

Dowladdu waxay dhiirrigelisay ganacsatada, waxaana saaxada dhaqaalaha kasoo muuqdeen qoysas caan ah sida Mitsubishi, Sumitomo, iyo Mitsui, kuwaas oo noqday mid kamida tiirarka dhaqaalaha Japan.

Dowladdii Boqor Meiji waxay ogaatay in horumarka Yurub uu ka yimid dhanka waxbarashada; sidaas daraadeed, waxaa la dhisay dugsiyo bilaash ah, jaamacado, iyo xarumo cilmibaarineed. Muddo gaaban gudaheedna, dadka Japan waxay noqdeen kuwo aqoon iyo hal-abuur xoogan leh.

Markii ay Japan dib u furtay albaabadeeda kadib qarniyo go’doon ah, waxay aragtay in Yurub iyo Mareykanku ay aad uga horumarsan yihiin dhinacyo badan. Sidaas daraadeed, boqortooyadu waxey soo jeedisay oo ay tiri: “Haddii aynaan baran sida ay u shaqeeyaan, Yurub ayaa na maamuli doonta.” Kadibna, Japan waxay boqolaal dhalinyaro ah u dirtay Jarmalka (iyo dalal kale oo Yurub ah) si ay u bartaan injineernimada, samaynta matoorada, warshadaha, iyo farsamada casriga ah.

Hadaba, Japan markii ay si weyn hormar uga gaartay dhanka warshadaha iyo awooda ciidan, waxey boqortooyadu gashay dagaallo dhowr ah oo ay si lama filaan ah ugu guuleysatay, sida: Dagaalkii Shiinaha (1894–1895), ayadoona xitaa ka qabsatay Shiinaha jasiirada Taiwan; sidoo kale waxaa la xusi karaa Dagaalkii Ruushka (1904–1905), markaas oo Japan noqotay dalkii ugu horreeyay aasaiya dhaca ee ka adkaada awood Yurub ah (Ruushka).

Kadib, ciidanka militariga Japan wuxuu noqday mid la ixtiraamo oo lagu faano, wuxuuna bilaabay in uu saameyn ku yeesho siyaasada.

Markii Boqor Meiji geeriyooday, waxaa xukunka la wareegay Boqor Taisho, kaas oo caafimaad ahaan liitay; waxeyna awoodu aaday dhanka baarlamaanka iyo xisbiyada siyaasadeed. Waxeyna Japan muddo gaaban u ekaatay dal dimuqraadi ah. Laakiin arinkaan ciidamada militariga—ma aysan jeclaysan; waxayna rumaysnaayeen in siyaasiyiintu ay daciif yihiin oo aysan ilaalin karin danaha Japan.

Emperor Taisho waa uu geeriyooday, waxaana xukunka boqortooyada yimid Hirohito; waliba xili ay Japan ku jirto xaalad dhaqaale xumo iyo jahawareer siyaasadeed.

Ciidamadu waxay ka faa’iideysteen xaaladdaas; waxayna bilaabeen inay laayaan ama eryaan siyaasiyiintii rayidka ahayd. Waxeyna bilaabeen in ay iyagu go’aamiyaan siyaasadda dalka. Waxey ku doodi jireen in Japan ay u baahan tahay dhul iyo kheyraad cusub oo laga quudiyo dadka Japanese-ka ah.

Markii militariga xukunka la wareegay dabayaaqadii 1920-meeyadii, Japan waxay qaadatay aragti cusub oo la oran jiray “Greater East Asia Co-Prosperity Sphere”—oo micnaheedu yahay “Iskaashiga Bariga Fog ee Aasiya oo ay Japan hoggaamiso.”

Qorshuhu wuxuu ahaa: in Japan ay noqoto hogaamiyaha Aasiya, dalalka kale ee Aasiya-na laga saaro awoodaha Yurub iyo Mareykanka. Lkn qorshahaasi wuxuu isku rogay mid gumeysi iyo dagaal ku dhisan. Sannadkii 1931, ciidamada Japan waxay duulaan ku qaadeen waqooyiga Shiinaha, ayagoona halkaas ka dhisay dowlad la dhihi jiray Manchukuo; waxayna markaasi Japan si rasmi ah u bilawday is ballaarinteeda militariga.

Sanadkii 1937, Japan waxay duulaan ballaaran ku qaadday Shiinaha inteeda kale—gaar ahaan magaalooyinka Beijing, Shanghai, iyo Nanjing. Magaalada Nanjing waxaa ka dhacay xasuuq caan ah oo loo yaqaan “Nanjing Massacre”—waxeyna halkaas Japan ku xasuuqday dad rayid u badnaa. Waxaana xusid mudan in Japan horey u gumeystay Kuuriya tan iyo 1910, ayadoona ka dhigtay qayb rasmi ah oo ka mid ah boqortooyada Japan. Waxaana dadka Kuuriyaanka lagu khasbi jiray afka Japan, waxeyna ahaayeen kuwa u adeega warshadaha iyo ciidanka Japan. Sidoo kale, Japan waxay horey u qabsatay Taiwan kadib Dagaalkii Shiinaha ee 1895, waxayna ka dhigtay xarun ganacsi iyo saldhig badeed oo muhiim ah, sida aan soo xusnay.

Dhanka kale, markii dalalka Yurub ay ku mashquuleen Dagaalkii Labaad ee dunida, Japan waxay istusisay in ay jirto fursad ay kula wareegi karto dalalka Eeshiya ee gumeystihii ree Yurub uu ku sugnaa. Hadaba, Japan waxey usoo jeesatay dalalka kale ee Eeshiya. Gaar ahaan, markii Faransiisku ku mashquulay dagaalkii labaad ee dunida ee Yurub ka holcayey, waxeyna Japan 1940 la wareegtay dhulkii Faransiisku haystay ee Koonfur Bari Aasiya ee loo yaqanay (French Indochina)—oo maanta ah dalalka Vietnam, Laos, iyo Cambodia.

Duulaanka Japan ee xowliga ku socday dalal badan ayaa ka walwalay; waxeyna Mareykanku, Britain, iyo Holland ku soo rogeen cunaqabatayn shidaal iyo birta ah, si ay u joojiyaan isballaarinta Japan.

Japan dhulkeeda malahan shidaal iyo birta oo muhiim u ahaa; sidaas darteed, waxay ogaatay haddii aysan helin ilo cusub oo kheyraad ah waliba muddo yar gudaheed, in ciidamadeedu istaagi doonaan.

Hadaba, Japan waxey qorsheesay in ay qabsato dalalka hodanka ku ah saliidda iyo macdanta ee Koonfur Bari Aasiya (sida Indonesia); laakiin marka hore ay “naafayso” ciidanka badda ee Mareykanka, si uusan u hor istaagin qorshahaas.

December 7, 1941 ayey Japan weerar culus ku qaaday saldhigga ciidanka badda Mareykanka ee Pearl Harbor, oo ku yaalla jasiiradda Hawaii oo ah gobol katirsan Mareykanka. Weerarkaasi waxey Japan burbur toos ah ugu geesatay ilaa 8 markab oo waaweyn (oo labo kamida bada gunteeda looga samray); waxaa gubtay boqolaal diyaaradood, halka ay ku dhinteen weerarka in ka badan 2,400 askari oo Mareykan ah.

Saddex maalmood kadib, Mareykanku wuxuu ku dhawaaqay dagaal rasmi ah oo ka dhan ah Japan. Waxayna tani ka dhigneed bilawga Dagaalkii Labaad ee Adduunka ee dhinaca badweynta Baasifigga (Pacific War).

pearl harbor attack

Ka dib weerarkii Pearl Harbor, Japan waxay si degdeg ah u bilowday duullaanno is xigxigay oo socday 1941 ilaa bartamihii 1942. Waxeyna ku duushay Philippines oo Mareykanku joogay, Indonesia oo Holland ku sugneed, Burma (Myanmar) oo Ingiriisku fadhiyey, iyo Thailand oo markii danbe Japan la saaxiibtay.

Japan dhowr dagaal ayey Mareykanka la gashay, wuxuuna Mareykanku duqeeyey dhowr magaalo oo Japan dhaca; asigoona 1945 ugu danbeen labo bam oo nuclear ah ku dhuftay labada magaalo ee Hiroshima iyo Nagasaki, taasoona Japan ku qasabtay in ay isdhiibto. Wuxuuna Boqorka Japan 15-kii Agoosto 1945, si toos ah uga hadlay raadiyaha isagoo yiri: “Dalka waa in uu aqbalaa nabadda, si nolosha dadka loo badbaadiyo.”

Guuldarradii Japan waxay dhashay dhammaadka xukunkii militariga iyo in baalaha laga rifo gorgorkii Eeshiya dul hoganayey.

Japan waxaa gacanta ku dhigay Mareykanka, gaar ahaan taliyihii ciidamada General Douglas MacArthur. Wuxuu noqday ninka ugu awoodda badan Japan muddadaas, wuxuuna sameeyay dib-u-habeyn weyn oo taariikhi ah: waxaa la kala diray ciidankii militariga; waxaa Japan laga mamnuucay in ay yeelato ciidan dagaal oo xoogan. Boqorkana waa laga qaaday awooddii siyaasadeed—waxaana lagu qeexay kaliya in uu yahay astaan qaran.

1947, dastuur cusub ayaa la qoray kaas oo si buuxda u mamnuucaya dagaalka, wuxuuna dhigayaa: “In Japan mar dambe dagaal ka qayb gali doonin.” Dimuqraadiyadda ayaa la hirgeliyay; boqortooyaduna waxay noqotay mid dastuuriya oo awood fulineed lahayn (constitutional monarchy). Waxaana haweenka loo ogolaaday in ay siyaasada kaalin ku yeeshaan; lkn ilaa maanta sharciga ma ogola in haweeneey ay boqorad ka noqoto ama hogaamiso boqortooyada.

Sharciga “Imperial Household Law” wuxuu qeexayaa in kaliya ragga loo ogolyahay in ay hogaamiyaan; boqortooyaduna kaliya ay yeelan karto boqor.

Sanae Takaichi ayaa 21 bishii October ee 2025 noqotay haweeneydii ugu horeysay ee dalkaan raysalwasaare ka noqota; waa mid si weyn dhaqanka ugu adag u aaminsan caadooyinka soo jireenka ah ee Japan. Waxeyna taageersan tahay sharciga sheegaya in ragga kaliya loo ogolyahay hogaaminta boqortooyada.

Boqorka haatan ee Japan waxaa lagu magacaabaa Naruhito. 1-da May 2019 ayuuna noqday boqorkii 126-aad ee Japan; waa mid aan lahayn go’aan siyaasadeed iyo awood uu amar kusoo saaro, kaliya waa astaan qaran oo la sharfo.

Boqorkaan wuxuu dhalay hal gabar oo kaliya, lkn gabadha kaliya uu dhalay sharciga uma ogolo in ay dhaxasho aabaheed. Sidaas daraadeed, waxaa dhaxal sugaha koowaad ee boqortooyada ah Akishino oo la dhashay boqorka. Hadii uusan boqorka Japan dhalin wiil mustaqbalka, boqortooyadu waxay gali kartaa khatar dhaxal go’ ah. Sidaas daraadeed, dad badan oo dalkaan u dhashay ayaa ku dooda in gabadha boqorka loo ogolaado in ay boqorad noqoto, sharciga ka maanacayana meesha laga saaro.

Emperor Naruhito
Princess Aiko
Akishino

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top