Tansaaniya waa mid kamida dalalka Bariga Afrika ugu baaxada weyn, wuxuuna sidoo kale qeyb ka yahay Ururka Horumarinta Bulshada Koofurta Africa ee (SADC). Waa dal caan ku ah xeebo quruxda badan, islamarkaana qani ku ah duurjoogta kala duwan. waana dal hoy u ah in ka badan 120 qoomiyadood oo kala duwan.
Tansaaniya waxa ay xuduud la wadaagtaa ilaa 8 dal: Kenya, Uganda, Rwanda, Burundi, DR Congo, Zambia, Malawi iyo Mozambique. Tanzania marka Africa la eego waa mid kamida dalalka ugu xuduudaha badan; DR Congo oo kaliya ayaa ka xuduudo badan oo 9 dal xad lawadaagta. Tanzania iyo Zambia ayaana kaalinta labaad ku jiraan oo min 8 dal xad la leh.

Dabcan magaalada Dar es Salaam waa magaalada ugu weyn uguna muhiimsan Tanzania, lkn ma ahan caasimada rasmiga ah ee dalka, oo magaalada Dodoma ayaa loo tixgeliyaa caasimada dalka. 1974 ayaa la go’aamiyey in ay caasimada dalka noqoto, balse dhaqaalaha iyo duruufaha siyaasadeed awgeed arinkaasi fulintiisa gaabis ayaa ku yimid. Ugu danbeyse 2019, ayey Dowladda Tanzania si rasmi ah ugu dhawaaqday in Dodoma ay tahay caasimadda rasmiga ah ee dalka, Dar es Salaam-na sii ahaanayso xarunta ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka.
Magaalooyinka kale ee Tanzania waxaa kamida Mwanza iyo magaalada Arusha oo ah xarunta Ururka Bulshada Bariga Africa.




Meelaha kale ee dalkaan uu caan ku yahay waxaa kamida Buurta Kilimanjaro oo ah buurta ugu dheer Afrika, Beerta Qaran ee Serengeti oo lagu yaqaan hayaanka weyn ee xayawaanada duurjoogta, Jasiiradda Saansibaar (Zanzibar) oo leh dowlad-goboleed u gaar ah iyo arimo taariikhiya. Waxaana sidoo kale xusid mudan in Tanzania kamid tahay dalalka wadaaga Harada Victoria ee ah mida ugu weyn Africa iyo mida labaad ee ugu weyn harooyinka biyaha fresh; xitaa Tanzania waxey qeyb kaleedahay harada labaad ee ugu weyn Africa ee Tanganyika. Ma dhihi karnaa dhulkii harooyinka?
Tansaaniya waxaa ku nool dad ka badan 60 milyan oo qof. Waxaana qowmiyadaha kala duwan ee dalkaan mideysa luuqada Swahili oo la aaminsan yahay in ay ree Tanzania ugu hadlaan sida ugu asalsan marka la eego dalalka kale.

Dalkaan maanta loo yaqaan Tanzania waa mid leh taariikh dheer oo ku qotonta dhaqan, ganacsi, gumeysi iyo halgan qaranimo.
Intii uu gumeystuhu imaan dhulkaan, waxaa ku noolaa qowmiyado kala duwan—sida Bantu, Maasai, Chaga, Sukuma iyo kuwo kale—qaar beeraha ayey ku tiirsanaayeen, qaarna daaqsin iyo ganacsi. Xeebaha Badweynta Hindiya waxaa ku yaallay magaalooyin ganacsi oo waaweyn sida Kilwa, Bagamoyo, Pemba iyo Zanzibar, waxeyna ahaayeen magaalooyin xiriir toos ah la leh Carabta, Faarisiyiinta iyo Hindida.
Qarnigii 18aad, Saldanaddii Cumaan ayaa isku fidisay xeebaha Bariga Afrika, waxeyna xarunteedana ka dhigatay jasiiradda Zanzibar. Kadibna Zanzibar waxay noqotay xarun ganacsi oo lagu kala iibsan jiray addoomaha iyo fool-maroodiga. Suldaankii Cumaan, Sayid saciid, waa mid lagu xasuusto in Zanzibaar uu ka dhigay magaalo ganacsi oo caalami ah, sidoo kalena diinta Islaamka ay halkaan si xoogan ugu faafto.
Dabayaaqadii qarnigii 19aad, dalalka Yurub ayaa bilaabay in ay Afrika qaybsadaan. Jarmalku wuxuu qabsaday dhul intiisa badan Tanzania ah oo uu u bixiyey “German East Africa.” Wuxuu soo rogay nidaam maamul oo adag oo ay ugu danbeen dadka deegaanka si xoogan uga horyimaadeen, waxaana dhacay kacdoon caan ah oo loo yaqaan Maji Maji (1905–1907). Wuxuuna kacdoonkaasi noqday astaan u taagan halganka iyo midnimada dadka Tanganyika. Waxaana Tanganyika loo yaqaanay dhulweynaha Tanzania ee aan jasiiradaha ahayn sida Zanzibaar.

Kadib guuldarradii Jarmalka ee Dagaalkii Koowaad ee Adduunka (1918), waxaa dhulka la wareegay Ingiriiska, waxaana si rasmi ah loogu bixiyay magaca Tanganyika. Dhanka kale, Zanzibar waxay ahayd xiligaas jasiirad uu xukumo Suldaanka Carabta, kaasoo Ingiriiska la yeeshay xiriir dhaw oo ilaalinayey danaha ganacsi ee gobolka. Waxeyna saldanadda Zanzibar ahayd mid madax-bannaan oo ka go’day Cumaan, waxaana saameyn ku lahaa oo si dadban u xukumayey Ingiriiska.
Sanadkii 1961, Tanganyika waxay heshay madaxbannaani, waxaana madaxweyne loo doortay Julius Nyerere. Dhankii kale, ee Zanzibar waxay madaxbannaani heshay 1963, laakiin sanadkii 1964 waxaa dhacay kacdoon xoogan oo meesha ka saaray boqortooyadii Carabta. Kacdoonkaas kadibna, waxaa la sameeyay dowlad cusub oo matasha shacabka, oo calaamad u noqotay isbeddelka siyaasadeed ee jasiiradda ka dhacay.

Bishii April 26, 1964, labadii dhinac ee kala ahaa Tanganyika iyo Zanzibar waxay ku midoobeen hal dal oo la yiraahdo Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania.

Maanta nidaamka xukun ee Tanzania waa jamhuuriyad dimuqraadi ah oo leh madaxweyne awood badan. Magaca rasmiga ah ee dalkaan ee Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania (United Republic of Tanzania), waa mid ka kooban labo qeybood oo waaweyn: Tanganyika oo ah dhul weynaha Tanzania iyo Zanzibar oo ah mid leh ismaamul u gaar ah. Madaxa ugu sarreeya ee jamhuuriyada waa Madaxweynaha oo sidoo kalena ah taliyaha ciidanka qalabka sida. Wuxuuna dastuurka Tanzania dhigayaa in madaxweynaha la doorto uu xilka heenayo muddo 5 sano ah, labo muddo xileed ayaana loo ogolyahay.
Zanzibar waxay leedahay Madaxweyne iyo Golihiisa Wasiirrada, laakiin waxay hoos timaadaa dowladda dhexe ee Tanzania marka ay timaaddo arrimaha guud sida difaaca iyo siyaasadda dibadda. Nidaamka xukun ee dalkaan waa nidaam midow ah oo gaar ah, ’’unique union system’’, mana ahan dal si buuxda u ah federaal, inkastoo uu leeyahay astaamo federaal sida in Zanzibar ay leedahay madaxweyne iyo baarlamaan u gaar ah. Lkn maamulka Zanzibar wuxuu si toos ah u hoostagaa dowlada dhexe ee dalka taas oo maamusha arrimaha guud ee dalka, sida: gaashaandhiga, siyaasadda dibadda, lacagta (currency), canshuuraha guud, isgaarsiinta iyo duulista hawada.


Maamulka Zanzibar wuxuu awood u leeyahay maamulida arimaha gudaha ee jasiirada sida waxbarashada, caafimaadka iyo beeraha. Zanzibar waxay ku leedahay madax-bannaani siyaasadeed oo ballaaran, balse arrimaha guud ee qaranka waxaa go’aamisa dowladda dhexe. Mararka qaar Tanzania waxaa lagu tilmaamaa dal federaal u eka ah oo heesta “semi-federal system” marka la eego labada heer ee dowladeed ee ka jira iyo dhulweynaha Tanzania ee jasiirada ahayn in uusan lahayn maamul goboleedyo ismaamula.
Marka laga yimaado golaha fulinta ee madaxweynaha iyo xukuumada, laamaha kale ee dowladda waa sharci dajinta iyo garsoorka. Garsoorka dalkaan waa laanta madaxbanaan ee caddaalada waxaana hogaamisa Maxkamadda Sare (High Court). Baarlamaanka dalkaan (Bunge la Tanzania), wuxuu ka kooban yahay saddex qaybood oo waaweyn: xildhibaanno si toos ah looga soo doorto guud ahaan dalka; xubno gaar ah oo wakiila ah kana socda Baarlamaanka Zanzibar, kuwaas oo lagu daro baarlamaanka dalka si loo hubiyo in codka Zanzibar uu ka muuqdo arrimaha qaranka oo dhan; iyo qeybta sadexaad oo ah xubno uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo magacaabo kuwaas oo inta badan ah dad khibrad leh ama matala kooxo gaar ah sida haweenka, dhalinyarada, ama dadka naafada ah.
Xildhibaanada ugu saameynta badan dalkaan waxaa kamida Xuseen Maxamed Baashe oo xildhibaan ah tan iyo 2015, wuxuuna sidoo kale yahay wasiirka beeraha ee Tanzania tan iyo bishii January ee 2022.

Wixii ka danbeeyey 1992 dalkaan wuxuu leeyahay nidaamka xisbiyada badan, lkn tan iyo markii uu dalkaan xoriyada qaatay waxaa taladiisa haya oo doorasho walba ku guuleysta xisbiga CCM oo ah xisbi ay ku midoobeen xisbigii TANU oo ka jiray dhulweynaha Tanzania iyo xisbigii Afro-Shirazi ee Zanzibar ka dhisnaa.
Madaxweynihii ugu horreeyay ee Tansaaniya, Julius Kambarage Nyerere, wuxuu hindisay aragti falsafadeed oo loo yaqaan Ujamaa taasoona ah hantiwadaag la afrikaaneeyey; waxeyna saameeneysay hab nololeedka bulsho iyo maamulka dhaqaale, waxeyna diirada saareysay wadajirka, sinaanta, iyo is-caawinta bulshada. Ujeedkeedu wuxu ahaa in la dhiso dal isku duuban, oo aan lagu kala soocin qabiil, diin, ama heer dhaqaale — dadkuna u wada noolaadaan si ku dhisan nabad iyo is-caawin. Aragtidaan awgeed iyo kaalinta uu ka qaatay halgankii nabdoonaa ee Tanzania ku gaartay xoriyada, Julius Nyerere waxaa loo tixgeliyaa in uu yahay aabaha qaranka Tanzania, waxaana caadi ahaan magaciisa laga hormariyaa Mwalimu. Wuxuuna ahaa hoggaamiyaha xisbiga TANU (Tanganyika African National Union) oo ahaa xisbigii ugu weynaa ee horboodayey halganka xoriyada lagu raadiyey.

Kadib madaxbanaanida, nidaamkii koowaad ee dalkaan uu yeeshay wuxuu ahaa nidaam hantiwadaag ah, balse lagu tilmaamo hantiwadaag afrikaan ah kuna saleysan dhaqanka maxaliga ah. Siyaasadii hantiwadaaga ee la afrikaaneeyey ee Ujamaa waxaa la sheegaa in ay lahayd caqabado dhaqaale waxeyna ogolaaneysay in uu dalka hal xisbi yeesho, lkn waxaa madaxweyne Nyerere loo tixgeliyaa mid dalkaan mideeyey wuxuuna si iskiis ah xilka uga degay 1985. Kadibna waxaa xilka yimid Ali Hassan Mwinyi kaasoona laga soo doortay xisbigii uu Nyerere aasaasay ee Chama Cha Mapinduzi (CCM).

Ali Hassan wuxuu xilka hayey ilaa 1995, waxaana lagu xasuustaa in nidaamkii dhaqaalaha ee dalkaan uu furay kana dhigay mid la maalgashan karo oo suuqa xorta ah katirsan. Wuxuu yareeyey cabsidii siyaasadeed ee jirtay inkastoo musuqa kor u kacay dalkana uu cagaha la galay nidaam dhaqaale oo uusan u diyaarsaneen. Si nabad ah ayuu xilka ugu wareejiyey Benjamin William Mkapa kaasoo ka yimid isla xisbigii dalka xukumayey ee CCM. Lkn doorasho xor ah oo dadweyne ayuu xilka ku helay, wuxuuna dhameestay labo muddo xileed asigoona xilka ka degay 2005. In uu musuqa la diriray iyo in uu xoojiyey xiriirka caalamiga ayaa lagu amaanaa; sidoo kale waxaa lagu eedeeyaa in dib u habeenta uu sameeyey ee dad badan shaqo ku waayeen islamarkaana xiligiisii ay faa’ido weyn qabeen ganacsatada shisheeye marka la barbardhigo kuwa maxaliga.

2005 waxaa cod dadweyne kursiga ku yimid Jakaya Mrisho Kikwete oo ka socday xisbiga dalkaan mudada xukumayey ee CCM. Wuxuuna sidoo kale madaxweyneyaashii ka horeeyey oo kale dhameestay labo muddo xileed. Marka laga yimaado in uu wax uun ka qabtay dhanka horumarinta waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo dublomaasiyada, hadana dowladiisii waxaa la sheegaa in fadeexado hareeyeen oo la xiriira musuqmaasuq.

2015 waxaa xilka kala wareegay John Pombe Magufuli oo noqday madaxweynaha ugu saameynta badan ee qarnigaan aynu ku jirno ee Tanzania yeelato. Wuxuu si weyn ula dagaalamay musuqmaasuqa asigoona xakameeyey kharashaadka dowladda. Waxaa xiligiisii si weyn culees loo saaray ganacsatada ajaanibta ah, waxaana la hirgeliyey mashaariic hormarineed oo waaweyn sida biyo xireenka Julius Nyerere oo noqday mashruuca tamarta korontada ee ugu weyn Bariga Afrika. Waxaa la hergeliyey tareenka Standard Gauge Railway (SGR) oo isku xira Dar es Salaam ilaa Mwanza iyo dhanka Rwanda & Burundi. Magufuli wuxuu dib u soo nooleeyay shirkada diyaaradeed ee qaranka ee Air Tanzania Company Limited (ATCL) oo muddo burbursanayd, waxaana la soo iibiyey diyaarado cusub.

Magufuli wuxuu amray in ajaanibta aan rukhsada haysanin laga saaro dalka — wuxuuna la dagaalay shirkado waaweyn sida Acacia Mining (British-owned), oo uu ku eedeeyay inay “xadeen” dahabka Tanzania. Wadooyin kumanaan km ah, waxbarasho bilaash ah oo dugsiga hoose ilaa dhexe ah, iyo dhisida in ka badan 1,000 xarumood caafimaad oo cusub ayaa lagu xasuustaa Magufuli. Wuxuu geeriyooday asigoo xilka haya sanadkii 2021, waxaana xilka la wareegay kuxigeenkiisii oo ahayd Samia Suluhu Hassan.

27 Janaayo 1960 ayey ku dhalatay magaalada Unguja, oo ka tirsan jasiiradda Zanzibar. Qoyska ay ka dhalatay waa mid diimeed wuxuuna aabaheed ahaa macallin. Wuxuuna magaciisa ah Suluhu u taagan yahay xal ama nabad. Waxay waxbarashadeedii hoose iyo dhexe ku dhammeysatay Zanzibar, ka dibna waxay gashay jaamacadda Mzumbe oo markaas ahayd macahad; waxeyna ku baratay halkaan maamulka iyo qorsheynta, kadibna isla mahacdkaan ayey 1986 ka qaadatay diploma ku saabsan maamulka guud.
Markii dambe, waxay Ingiriiska ka heshay Master’s Degree in Community Economic Development, oo ay ka qaadatay Southern New Hampshire University oo iskaashanayeen Open University of Tanzania. Horaantii 1980-meeyadii, ayey Zanzibar ka bilawday hayaankeeda quseeya xafiisyada dowladeed, waxeyna diirada saari jirtay saaxadana kusoo gashay arrimaha horumarinta haweenka iyo bulshada. Sanadkii 2000 ayeyna siyaasada si rasmi ah u gashay, iyadoo loo doortay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Zanzibar, kadibna waxaa si degdeg ah loogu magacaabay Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda iyo Qorsheynta ee Zanzibar.
Sanadkii 2010, Samia Suluhu waxaa loo doortay xildhibaan Baarlamaanka Tanzania, waxeyna ka socotay xisbiga talada dalkaan ku daabacan ee Chama Cha Mapinduzi (CCM). Muddo yar kadib, madaxweynihii xiligaas Jakaya Kikwete ayaa u magacaabay Wasiirka Arrimaha Ururrada Qaranka, Maamulka iyo Barwaaqo-sooranka, kadibna waxey kamid noqotay haweenka ugu awoodda badnaa dawladda. Markii John Pombe Magufuli uu u tartamayey madaxtinimada doorashadii 2015, xisbiga CCM wuxuu Samia Suluhu u doortay inay noqoto madaxweyne-ku-xigeen. Waana markii ugu horeysay ee haweeney xilka sidaas u sareeya loo doorto marka la eego taariikhda xukun ee dalkaan.
Dastuurka Tanzania wuxuu sheegayaa in madaxweyne-ku-xigeenka uu xilka la wareegayo hadii uu madaxweynaha dalka uu geeriyoodo. Sidaas daraadeed, markii Magufuli uu geeriyooday Samia waxey noqotay madaxweynaha Jamhuuriyada Tanzania. 3 Nov 2025 ayaa mar kale xilka madaxweynenimo loo dhaariyey laguna caleema saaray magaalada Dodoma kadib doorasho muran badan dhalisay. Marka la eego Africa waxey noqoneysaa haweeneydii labaad ee xilka madaxweyne loo dhaariyo isla sanadkaan 2025; waxaana bishii Maarso xilka loo dhaariyey Netumbo Nandi-Ndaitwah oo noqotay madaxweynaha Namibia.
Samia maka turjumi doontaa magaca aabaheed ee Suluhu ee u taagan xalka, mise waxey ku biiri doontaa kaligii taliyaasha kursiga macaansada ilaa laga tuuro ama ay geeriyoodaan?

