Dadka ku hoos nool calanka Mareykanka ma ahan kuwa siman xaga xuquuqda, waxaana jira muwaadiniin haddana aan loo oggolayn xaqa ay helaan muwaadiniinta la midka ah. Waa Dad sita baasaboorka iyo dhalashada Mareykanka haddana aan haysan xaq dhammaystiran.

Puerto Rico waa jasiirad ku taal waqooyiiga bari ee mandiqadda Caribbean-ka. Dhanka waqooyi waxaa ka xiga Badda Atlantic, halka dhanka koonfurna ay kaga fidsan tahay Badda Caribbean. Goobtan juqraafiyeed ayaa ka dhigtay Puerto Rico meel muhiim u ah siyaasadda iyo dhaqaalaha caalamiga ah. Waxayna dhacdaa waddada maraakiibta iyo ganacsiga ee isku xirta Waqooyiga iyo Koonfurta Ameerika. Wuxuuna Maraykanku halkaan ka dhistay saldhigyo muhiim u ah difaaca iyo ammaanka gobolka.
San Juan waa caasimadda iyo magaalada ugu weyn ee Puerto Rico, waa mid dhacda waqooyiga jasiiradda, waxayna leedahay deked muhiim ah. Waxaana horay loo oran jiray Ciudad de Puerto Rico oo macne ahaan ah (Magaalada Dekedda Hodanka ah leh).

Puerto Rico waxaa lagu gartaa cimilo diiran oo qoyan. Waana mid dhacda bartamaha dariiqa duufaannada ee Badweynta Atlantic, sidaas darteedna waxay si joogto ah ula kulantaa duufaanno culus. Duufaantii Maria ee 2017 ayaana tusaale u ah khataraha cimilo ee jasiiraddaan la kulanto; waxayna duufaantaasi gabi ahaanba burburisay shabakadii koronto ee jasiiradda, waxaana xilligaasi dhulkaan isaga hayaamay dad ka badan 200,000 oo qof.
Puerto Rico waa meel hodan ku ah khayraadka dabiiciga ah iyo dalxiiska. Waxaana dhulka waqooyi ee jasiiradaan ku badan dhagxaanta “limestone” ah, kuwaasoo sameeya godad iyo togag dhulka hoostiisa ah; halka xeebaha koonfureed iyo bari ee jasiiradaan ay yihiin dhul hoose oo dalag lagu beero. Waxaa jasiiradaan laga helaa kayn roobaadka caanka ah ee lagu magacaabo El Yunque National Forest, waana kayn roobaadka keliya ee dowladda Mareykanka ay maamusho.
Dadka la yiraahdo Taíno ayaa ah dadkii ugu horreeyey ee jasiiradaan degay, waxayna asal ahaan ka yimaadeen dhulka hadda loo yaqaan Venezuela iyo agagaarka webiga Orinoco. Christopher Columbus ayaa booqday Puerto Rico sanadkii 1493, gaar ahaan intii uu ku guda jiray socodkiisii labaad ee Caribbean-ka. Sanadkan ayaana la sheegaa in Isbaanishku ay sheegteen jasiiradda, inkastoo kolkaasi uusan Spanish-ku saldhigan jasiiradaan.

Sanadkii 1508, Boqortooyada Spain waxay dhulkaan guddoomiye uga dhigtay Juan Ponce de León si uu u sahmiyo, kadibna halkii ugu horreysay ee Spanish-ku saldhigeen waxay ahayd magaalada Caparra, oo la aasaasay 1508. Kadib markii uu gumeystuhu cagaha soo dhigay jasiiradaan, waxaa 1511 is-abaabulay dadka asalka ah ee Taíno, waxaana Spanish-ka iyo iyaga dhexmaray dagaal loo yaqaano “Taíno Rebellion”.
Spanish-ku wuxuu adeegsaday awood milateri iyo hub aysan u babac-dhigi karin dadka deegaanka. Waxaana intaasi ugu sii darsantay dadkii jasiiradaan cudurro ay soo waarideen Yurubiyaanka jasiiradda qabsaday, waxayna taasi sababtay in tiradoodu si weyn isku dhinto. Waxayna gumeystaha ka dhaxleen in lagu qasbo shaqooyin iyo nidaamkii “tributo” oo ahaa nidaam taariikhi ah oo Spanish-ku adeegsan jiray; waana mid ka jiray dhulalka uu Spanish-ku gumeysanayay, kaasoona dadka ku waajibin jiray dhaqaale qasab ah.
Dabayaaqadii qarnigii 19-aad, awoodda Isbaanishku hoos ayay u dhacday, halka uu xoogeysanayay dhaqaalaha iyo awoodda milateri ee Maraykanku. Waxayna tani keentay in Spanish-ku uu loolan xooggan kala kulmo Mareykanka. Ka hor dagaalka, Maraykanku wuxuu taageero u muujinayay Cuba oo in muddo ah dagaal kula jirtay Spain, si uu u ilaaliyo danihiisa gobolka. Waxaana taasi xigtay in markab dagaal oo uu Mareykanku lahaa (USS Maine) uu ku qarxay dekedda Havana ee Cuba, wuxuuna dhacdadaasi Mareykanku ku eedeeyay Spain; kadibna waxaa 1898 qarxay dagaal culus.
Markii dagaalku billowday, Maraykanku wuxuu bartilmaameedsaday dhammaan dhulalkii ugu muhiimsanaa ee Isbaanishka ku haray ee Ameerika iyo Aasiya sida: Cuba, Puerto Rico, Philippines, iyo jasiiradda Guam. 25-kii Luulyo 1898, ciidamo Maraykan ah oo ka soo degay xeebta magaalada Guánica ee Puerto Rico ayaa si toos ah u bilaabay qabsashada jasiiradda. Duullaanku wuxuu ahaa mid degdeg ah oo aan iska caabin weyn la kulmin, oo ciidankii Isbaanishku waxay ahaayeen kuwo tabar-dareeyay oo ku daalay dagaalkii Cuba.
Kadib markii Guánica uu Mareykanku qabsaday, waxay ciidamada Maraykanku u sii ruqaansadeen gudaha jasiiradda. Waxaana dhacay dhowr dagaal oo aan weynayn, sida kii Yauco iyo Hormigueros, balse guud ahaan iska caabinta Isbaanishku ma aysan adkayn. Dad badan oo reer Puerto Rico ah ayaana si hoose u taageeray Maraykanka, iyagoo rajaynayay in ay helaan xorriyad ka badan tii Isbaanishku siin jiray.
Bishii Ogosto 1898, Maraykanku iyo Isbaanishku waxay kala saxiixdeen xabbad-joojin. Dhammaadkii sanadkaasna, waxaa la gaaray Heshiiskii Paris, kaas oo si rasmi ah u soo afjaray dagaalkii Spanish-American. Heshiiskaasna, Isbaanishku waxay kaga tanaasuleen dhammaan dhulalkii ay haysteen ee Ameerika iyo Aasiya.
1898 kadib, Puerto Rico waxay ka baxday gacanta Isbaanishka, waxayna mudatay oo ay hoostagtay Maraykanka. Dadka jasiiradda waxay lumiyeen rajo badan oo ay ka lahaayeen madax-bannaani buuxda. Laakiin Maraykanku wuxuu u dejiyay sharciyo cusub oo lagu xakameeyo maamulka, sida sharciga Foraker Act (1900). Waa sharci uu Mareykanku meel-mariyay si uu nidaam dowladeed iyo maamul rasmi ah ugu sameeyo Puerto Rico kadib markii uu qabsaday; waxaana sharcigaan sidoo kale loo yaqaan “Organic Act of 1900”.
Puerto Rico waxaa loo sameeyay nidaam dawlad-degaan oo leh guddoomiye uu magacaabo Madaxweynaha Mareykanka, iyo golayaal sharci-dejin oo qayb ahaan ka kooban xubno la magacaabo iyo kuwa si xaddidan loo doorto. Puerto Rico waxay noqotay “unincorporated territory” – oo micno ahaan ah: Puerto Rico waa hanti Mareykan leeyahay oo uu si toos ah u maamulo, isla markaana aan la xuquuq ahayn gobollada kale ee Mareykanka.
Inkasta oo ay leedahay dastuur u gaar ah oo la ansixiyey 1952, haddana dastuurkaasi wuxuu heer ahaan ka hooseeyaa awoodda Koongares-ka Mareykanka iyo kan Federaalka; lagumana wada dabaqo jasiiradaan dhammaan sharciyada federaalka ee Mareykanka.

Marka la eego sharciga Jones-Shafroth Act ee 1917, dadka ku dhasha jasiiradda Puerto Rico waa muwaadiniin Mareykan ah, laakiin muwaadinimadoodu lama mid ahan midda laga bixiyo gobollada rasmiga ah ee Mareykanka, gaar ahaan marka ay timaaddo xuquuqda federaalka ama doorashada madaxtooyada.
Dadka Puerto Rico deggan ma awoodaan inay codkooda ka dhiibtaan doorashada Madaxweynaha Mareykanka. Sidoo kale marka laga reebo doorashada deegaanka (governor, legislature), dadka Puerto Rico deggan ma dooran karaan senatarro Mareykan ah ama wakiil buuxa oo Congress ah. Inta badan qodobada asaasiga ah ee dastuurka Mareykanka waa lagu dabaqaa jasiiradaan, laakiin sida xeerarka maxkamadaha ee kiisaska qaar kama hirgalaan jasiiradda. Wuxuuna Dastuurka maxalliga ah ee Puerto Rico inta badan xoogga saara xuquuqaha asaasiga ee dadka, sida xuquuqda shaqada iyo waxbarashada.
Puerto Rico waxay doorataa hal qof oo loo yaqaan Resident Commissioner oo ku matala Congress-ka Mareykanka, muddo xileedkiisuna yahay 4 sano. Wuxuu ka qayb-geli karaa doodaha Congress-ka, asigoona ka mid noqon kara guddiyada (committees) muhiimka ah. Laakiin — ma laha xuquuq cod-bixin oo buuxda, gaar ahaan marka go’aamada muhiimka ah la qaadanayo, inkastoo uusan lahayn awood buuxda oo sharci-dejin ah. Haddana waa isku-xiraha rasmiga ah ee Puerto Rico iyo dowladda dhexe ee Mareykanka, waana shaqsiga koowaad ee la doonayo in uu ka hadlo danaha jasiiradda.
Dadka deggan jasiiradaan in badan oo ka mid ahi ma bixiyaan canshuurta dakhliga federaalka (federal income tax), haddii dakhliga aysan ka helin mashaariic federaal ah. Jasiiraddu kama hesho dowladda federaalka mid la mid ah taageerada ay ka helaan gobollada kale ee Mareykanka.
Dadka jasiiradaan, sida muwaadiniinta kale ee Mareykanka, waxay xaq u leeyihiin in ay qaataan baasaboor Mareykan ah, sidoo kalena waxay awoodaan in si xor ah ugu safri karaan gudaha iyaga oo aan u baahnayn fiiso ama dal-ku-gal. Laakiin waxaa ka maqan xuquuqaha siyaasadeed, maadaama ay yihiin muwaadiniin aan cod lahayn.

Doodo badan ayaa jira oo ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed ee Puerto Rico: dadka qaar ayaa si weyn ugu ololeeya in ay Puerto Rico noqoto gobol rasmi ah oo Mareykanka ka tirsan, lehna dhammaan xuquuqaha siyaasadeed ee gobollada kale ee Mareykanku leeyihiin; halka dadka kalena ay ku doodaan in Puerto Rico noqoto waddan madax-bannaan oo aan hoos tegin Mareykanka.
Dhaqaalaha jasiiraddu waa mid kala duwan oo isku dhafan. Ilaha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha jasiiradana waa: Warshadaha Dawooyinka, Kiimikada, Elektaroonigga iyo Qalabka Farsamada, Adeegyada Maaliyadeed iyo Xafiisyada shirkadaha caalamiga ah ee iska diiwaangeliyey jasiiradda, Beeraha, iyo Dalxiiska dalkaan oo kobcaya maadaama ay sanadkii martigeliso ilaa 4 milyan oo ruux.
Puerto Rico waxay leedahay laba luuqadood oo rasmi ah: Isbaanish iyo Ingiriis. Isbaanishka ayaana ah luuqadda sida weyn loogu hadlo. Dadka jasiiradda ku nool qiyaastii waa 3.2 milyan oo qof, tirada dadka jasiiradduna hoos ayay u dhacaysay tan iyo duufaantii Maria ee (2017), taas oo dhaqaalaha si weyn u saameysay. Duufaantaasi kadibna dad badan ayaa u guuray gobollada uu ka kooban yahay Mareykanku, gaar ahaan Florida iyo New York. Sidaasi oo ay tahay, waa jasiiradda afaraad ee ugu dadka badan Caribbean, waxayna xitaa ka dad badan tahay Jamaica. Laakiin waa jasiirad dadkeedu haysan xuquuq dhammaystiran, waana kuwa dhanka siyaasadda looga quus-gooyay.
