Sidee U Shaqeeyaa Xisbiga Shuuciga Ee Xukuma Shiinaha

Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha (People’s Republic of China – PRC) waa dal leh nidaam siyaasadeed iyo xukun oo aad uga duwan nidaamyada dimuqraadiyadeed ee Galbeedka. Nidaamka Shiinaha wuxuu ku dhisan yahay xisbi keliya oo haya talada oo idil – waana Xisbiga Shuuciga Shiinaha (Chinese Communist Party – CCP). Nidaamka dalkaan waxaa lagu qeexaa “Socialism with Chinese Characteristics” – Shuuciyad lagu jaangooyey dhaqanka iyo duruufaha Shiinaha.

Xisbiga talada haya waa udubka dhexe ee siyaasada waana awooda ugu sareysa, wuxuuna Dastuurka Shiinaha si cad u dhigayaa in xisbigu yahay hoggaanka siyaasadda, ciidamada, iyo guud ahaan dowladda. Waana midka kaliya ee talada dalkaan loo daba fadhiisto tan iyo 1949.

Xisbigaan waxaa si rasmi ah loo asaasaay 1-dii Luulyo 1921; arday iyo dhallinyaro waxbarasho ku jiray ayaana aas-aasay Xisbiga Shuuciga Shiinaha (CCP), kuwaas oo ka helay dhiirrigelin kacdoonkii Ruushka ee 1917.

Shirkii ugu horreeyey ee Xisbiga Shuuciga Shiinaha (CCP) wuxuu ka bilaabmay magaalada Shanghai 23-kii Luulyo 1921, laakiin booliska iyo quwadaha shisheeye ee magaalada joogay ayaa ogaaday, taasoona qasabtay in kulanka la joojiyo. Markaas ka dibna, ergadii shirku waxay u guureen doon yar oo tiilay harada South Lake ee magaalada Jiaxing ee gobolka Zhejiang, halkaas ayuuna si rasmi ah uga dhacay laguna soo gabagabeeyey shirkii aasaasayaasha xisbiga.

Markii la aasaasayay Xisbiga Shuuciga Shiinaha 1921-kii, Shiinaha wuxuu ku jiray xaalad lagu tilmaamo “Qarnigii Ceebta” (Century of Humiliation), oo dalkaan qaybihiisa kala duwan wuxuu gacanta ugu jiray quwada shisheeye, kuwa dhulka Shiinaha ku sugnaana waxaa ugu waaweynaa:

  • Boqortooyadii Ingiriiska – oo Hong Kong qabsatay dagaalkii Opium-ka (1842), waxaana hoostagayay dekedo ganacsi oo muhiim ah oo leh saameyn dhaqaale oo ballaaran.
  • Faransiiska – wuxuu gacanta ku hayay qaar ka mid ah koonfurta Shiinaha, wuxuuna maamulayay qayb ka mid ah magaalada Shanghai.
  • Japan – waxay xoog ku haysatay gobolka Manchuria iyo Taiwan, waxayna Japan ku qasabtay Shiinaha heshiisyo siinayay deked iyo kheyraad.
  • Jarmalka – wuxuu gacanta ku hayay gobolka Shandong (Kiautschou Bay Concession) ilaa Dagaalkii Koowaad ee Aduunka, ka dibna waxaa la wareegtay Japan.
  • Ruushkii Tsar-ka iyo Midowgii Soofiyeeti – wuxuu saameyn ku lahaa xuduudaha waqooyi wuxuuna heestay heshiisyo danihiisa u adeegaya asigoo ka faa’iideysanaya daciifnimada Shiinaha.
  • Maraykanka – wuxuu lahaa “xuquuq ganacsi” oo gaar ah iyo saamayn siyaasadeed oo ku saabsan dekedaha.

Hadaba Shiineesku waxey waqtigaan u yaqaanaan qarnigii ceebta ama boqol sano oo ceeb qarana, waana intii u dhaxaysay 1840-meeyadii ilaa 1949.

Xisbiga shuuciga ee talada haya kolkii uu hana qaadayay wuxuu ka koobnaa keliya 50 xubnood, balse muddo kooban gudaheed ayuu deg deg u kobcay kadib markii uu bilawday dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo xoog leh oo u ololeenayay sidii Shiinaha looga saari lahaa nidaamkii boqortooyada iyo awoodihii shisheeye ee ku sugnaa dhulka Shiinaha.

Markii la aasaasay Xisbiga Shuuciga Shiinaha (CCP), waxa jiray xisbi kale oo xooggan oo la odhan jiray Xisbiga Qaranka (Kuomintang – KMT) oo uu hoggaaminayay Chiang Kai-shek. Labada xisbi waxay marka hore lahaayeen fikrado kala duwan:

  1. KMT wuxuu diiradda saarayey qaranimo iyo nidaam dowladeed oo casri ah, balse inta badan wuxuu ku tiirsanaa dadka taajiriinta ah iyo taageero shisheeye.
  2. Xisbiga CCP, oo ah midka maanta talada haya, wuxuu rabay in uu sameeyo bulsho shuuci ah oo ka turjumaysa shaqaalaha iyo beeraleyda, isagoo dhiirrigelin ka helayey kacaankii Ruushka ka curtay.

Markii Japan ku duushay Shiinaha (1937–1945), labada xisbi waxay si ku-meel-gaar ah isugu biireen si ay uga hortagaan cadawga shisheeye. Laakiin iskaashigoodu masii socon muddo dheer, waxayna isku khilaafeen sida loo maamulayo dalka iyo cidda hogaanka yeelaneysa. Kadib marka uu dhammaadayna Dagaalkii Labaad ee Aduunka, Japan-na laga guuleystay, dagaal sokeeye ayaa si xoogan u qaraxay. 1945–1949 waxaa dhacay dagaallo aad u culus oo u dhexeeyay CCP iyo KMT.

Inkastoo KMT uu lahaa ciidan weyn iyo taageero Reer Galbeed (gaar ahaan Maraykanka), haddana CCP waxay heshay taageero ballaaran oo ka timid dhanka beeraleyda tirada badan, waxayna ku guuleysteen furimo dhowr ah oo waaweyn. 1949, CCP ayaa si buuxda u guuleystay, wuxuuna la wareegay caasimadda dalka ee Beijing. Mao Zedong ayaana 1-dii Oktoobar 1949 ku dhawaaqay aasaaska Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha. Dhanka kale, hoggaamiyihii KMT, Chiang Kai-shek, iyo ciidankiisii ayaa u cararay dhanka jasiiradda Taiwan, halkaas oo ay ka dhiseen nidaam gaar ah oo weli sheeganaya in uu yahay dowladda dhabta ah ee Shiinaha.

Maanta, CCP waa xisbiga ugu weyn adduunka marka la eego tirada xubnaha rasmiga ah ee buuxa ee ka tirsan xisbiga ee firfircoon. Tirada xubnaha xisbiga ayaa gaartay 100.27 milyan qof. Xubnahaasi waxay u kala baxaan shaqaale, arday, beeraley, aqoonyahanno iyo ganacsato, taasoo ka dhigan in xisbigu uu si weyn saameyn ugu leeyahay dhammaan qeybaha bulshada. Xubnaha firfircoon ee xisbiga ee 100 malyan gaaraya waa ku dhawaad 7% guud ahaan dadka Shiinaha, taasoo muujinaysa baaxadda uu xisbigu ku leeyahay dalka.

Xisbiga Shuuciga Shiinaha (CCP) waa mid hantiyey siyaasada Shiinaha, waxaana xitaa hoostagaan hay’adaha muhiimka ah ee dowliga sida:

  • Golaha Shacabka Qaranka (NPC) – ama baarlamaanka oo si buuxda uga hoos shaqeeya xisbiga.
  • Golaha Dhexe ee Dowladda (State Council) –oo u dhigma xukuumad, dhammaan wasiirraduna waa xubno ama kuwa si weyn u taageera xisbiga.
  • Maxkamadaha iyo hay’adaha sharci-dejinta – iyaguna waa kuwa hoostaga xisbiga talada haya.

CCP waxaa hoggaamiya Guddoomiyaha Xisbiga (oo sidoo kale ah Madaxweynaha Shiinaha iyo Guddoomiyaha Guddiga Dhexe ee Militariga), xilkaasna waxaa hadda haya Xi Jinping. Xisbiga wuxuu leeyahay qaab-dhismeed adag oo ka kooban goleyaal kala duwan sida Guddiga Dhexe, Xafiiska Siyaasadda (Politburo) iyo Guddiga Joogtada ah ee Xafiiska Siyaasadda (Politburo Standing Committee) oo ah halka ugu sarreysa go’aan qaadashada.

Golaha Dhexe ee xisbiga waa ilaa 205 xubnood oo buuxa iyo 171 xubnood kale oo badel noqon kara (alternate members). Xubnaha Golaha Dhexe waxaa lagu doortaa Shirweynaha Xisbiga (“National Congress”) oo shantii sanaba mar la qabto. Shirweynaha Qaranka ee Xisbiga Shuuciga (National Party Congress) waa dhacdada ugu weyn ee siyaasadda dalkaan. Waxaana ka soo qayb gala ku dhowaad 2,300 ergay, balse waxaa la sheegaa in shirka ka hor la gaaro go’aamada muhiimka ah.

Golaha Siyaasadda wuxuu ka kooban yahay ilaa 24 xubnood, waxaana doortaan Golaha Dhexe; doorkooduna waa iskudubbaridada dhammaan arrimaha xisbiga iyo dowladda: dhaqaalaha, amniga, arrimaha dibadda, iyo horumarinta bulshada. Waana kuwa aalaaba kulma.

Politburo Standing Committee (PSC) – Guddiga Joogtada ah, waa guddi ka dhex sameesan Golaha Siyaasadda oo ilaa 7 xubnood ah. Waana kooxda ugu awoodda badan ee xisbiga iyo guud ahaan dalka. Waxayna gacanta ku hayasa go’aamada maalinlaha ah ee maamulka iyo siyaasadda dalka. Waa xudunta awooda Shiinaha waana halka go’aanka ugu dambeeya uu yaalo, waxaana gudigaaan hogaamiya Xoghayaha Guud oo ah jagada ugu sarreysa ee Xisbiga Shuuciga Shiinaha, waxaana haatan jagadaasi ku fadhiya Xi Jinping. Isaga ayaa go’aamiyo jihada siyaasadda ee xisbiga iyo dowladda, waana Guddoomiyaha Guddiga Dhexe Militariga (CMC), taasoona la micna ah in uu yahay taliyaha ugu sarreeya ee ciidamada Shiinaha.

Xi Jinping

Wuxuu hayaa saddex xil oo qofka isku hela loo tixgeliyo in uu yahay hoggaamiyaha ugu sareeya Shiinaha (Paramount leader): waa Xoghayaha Guud ee xisbiga, Madaxweynaha dalka, iyo Guddoomiyaha Guddiga Dhexe Militariga. Xi Jinping waa hoggaamiyaha ugu sareeya Shiinaha tan iyo 2012, markaas oo ay Golaha Dhexe iyo gudiga joogtada ah ee siyaasada u doorteen in uu noqdo xoghayaha guud ee xisbiga talada haya.

Shaqsiga hoggaaminaya Shiinaha muddo sanado ah ayaa la diyaariyaa si loo helo kala guur degan oo nabdoon. Xi Jinping 2007 ayuu tiigsaday heerka ugu sareeya siyaasada Shiinaha kadib markii uu xubin ka noqday gudiga joogtada ah ee siyaasada; isla sanadkii xigay wuxuu noqday Madaxweyne ku xigeenka Shiinaha. 2010–2012: Waxaa loo magacaabay xilal muhiim ah oo ka tirsan militariga iyo maamulka xisbiga, taas oo calaamad u ahayd inuu yahay musharaxa la doorbidayo. Bishii Noofambar 2012: Shirweynihii 18-aad ee Golaha Dhexe ayaana Xi Jinping loogu doortay Xoghayaha Guud ee xisbiga iyo taliyaha ugu sareeya ciidamada; bishii 3-aad 2013 ayuuna si rasmiya u noqday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga ee Shiinaha.

Waxaa loo arkaa hoggaamiye si weyn looga jecel yahay gudaha xisbiga oo aan cadow siyaasadeed oo badan lahayn. Aabhihiis Xi Zhongxun waa mid si weyn xisbiga looga ixtiraamo, maadaama uu qeyb lixaad ka qaatay aasaasida Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, sidoo kalena uu si weyn uga qeyb qaatay halgankii ka dhanka ahaa gumeysiga Japan.

Xi Jinping arrimo badan ayuu kaga duwan yahay hoggaamiyaashii ka horeeyey sida Deng Xiaoping, Jiang Zemin iyo Hu Jintao, kuwaas oo ogolaa in awooda la qeybsado, kaalinta gudiga joogtada ah ee siyaasadana ay muuqato. Xi Jinping wuxuu si weyn u urursaday awoodda wuxuuna heestaa saddexda xil ee ugu sarreeya dalka, wuxuuna isu arkaa Mao Zedong qarnigaan nool, marka la eego awoodiisa. Labadii hoggaamiye ee ka horeysay (Hu Jintao iyo Jiang Zemin) kaliya waxey xilka hayeen labo muddo xileed, lkn Xi Jinping wuxuu 2018 ku guuleystay in dastuurka laga saaro qodobka xadeynaya xiliga xilheynta madaxweynaha, waxeyna tani u oggolaanaysa inuu sii joogo xukunka inta noloshiisa ka dhiman.

Xi Jinping wuxuu si weyn u adkeeyay in Xisbiga Shuuciga Shiinaha uu ka sarreeyo dhammaan hay’adaha kale ee dowladda. Waxaana sidoo kale la xoojiyay kormeerka xisbiga ee shirkadaha, jaamacadaha, iyo dowladdaha hoose. Tan iyo 2012, dalkaan waxaa ka hana qaaday olole balaaran oo ka dhan ah musuqa kaasoona sababay in la ciqaabo kumannaan saraakiila.

2012: GDP Shiinaha wuxuu ahaa qiyaastii $8.5 trillion, 2025: Wuxuu garaaya $18 trillion, waana dalka labaad ee dunida ugu dhaqaalaha badan iyo musharaxa koowaad ee loo saadaalinayo in uu noqdo dalka ugu dhaqaalaha badan dunida.

Hoggaamiyeyaashii hore waxay ahaayeen kuwa si weyn diirada u saara gudaha Shiinaha; Xi Jinping wuxuu keenay aragtida riyada Shiineeska “Chinese Dream” iyo mashruuca caalamiga ah ee Belt and Road Initiative (BRI) si Shiinaha uu u noqdo awood caalamiya.

Xisbiga Shuuciga Shiinaha waa mid leh qaab-dhismeed adag oo uu ku ilaaliyo talada, waana midka kaliya ee xakameeya xukunka dalkaan.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top