Qisada Costa Rica: Nabad aan lahayn Ciidan Milatariya

Costa Rica, oo ah dal ku yaalla Bartamaha Ameerika, waxa uu lahaa ciidan milatari oo rasmi ah kadib markii uu helay madax-bannaanida, lkn ulakac ayuu isaga mamnuucay si uu nabad iyo xasilooni u helo. Hadaba, waa maxey qisada ka danbeysa?

Dalka Costa Rica wuxuu ahaa mid mar hantiyey ciidan door muuqda ku leh siyaasadda, gaar ahaan qarnigii 19-aad iyo horraantii qarnigii 20-aad, markaasoo ay jireen isku dhacyo siyaasadeed oo soo noqnoqday iyo afgambiyo ay milatarigu ku lug lahaayeen.

Ciidanka milatariga ee Costa Rica wuxuu asaaskiisu u laabanayaa xiligii madax-bannaanida uu helay dalkaan, Markaas oo ay Costa Rica xorriyaddeeda ka qaadatay Boqortooyadii Isbaanishka sanadkii 1821, kadib xoriyadana waxaa bilawday dadaallo lagu dhisayey laguna abuurayey ciidan milatari oo u taagan difaacida madaxbanaanida qaranka cusub.

Intii lagu guda jiray qarnigii 19-aad, ciidamada Costa Rica waxay ahaayeen kuwa leh awood ciidan iyo mid siyaasadeedba. Waxa ayna ka qeyb qaateen dagaallo gobolka ka dhacay iyo isqabqabsi siyaasadeed oo mararka qaar horseeday afgambiyo.

Tusaale, ciidanka Costa Rica wuxuu qeyb ka ahaa dagaalladii midowgii la odhan jiray Federal Republic of Central America, oo ahaa isku day ay dalalka gobolka ku doonayeen in ay ku yeeshaan hal dowlad. Lkn midowgaan wuxuu burburay sanadkii 1838, waxayna kadib Costa Rica noqotay dal madaxbannaan oo ciidan u gaar ah leh.

Sidoo kale, ciidanka Costa Rica waxaa lagu xasuustaa guushii weyneed ay ka gaareen dagaalkii Santa Rosa ee sanadkii 1856, markaas oo ay ka guuleyteen ciidankii William Walker oo ahaa nin Mareykana oo xoog ku qabsaday dalka Nicaragua, kaasoo doonayay in uu dalalka Latin ka dhiso dowlad cadaanku leeyihiin, ganacsiga adoonsigana ka shaqeysa.

Qarnigii 20-aad, ciidanka Costa Rica wuxuu noqday mid si aad ah ugu milmay siyaasadda gudaha. Awooddoodana waxay ahayd mid si joogto ah loogu adeegsado caburinta mucaaradka, faragelinta doorashooyinka, iyo dabargooynta kacdoonada ka curta gudaha. Tani waxay keentay in militariga laga cabsado, loona arko awood si qaldan loo adeegsado.

Sanadihii 1910 ilaa 1940, wuxuu nidaamka xukun ee dalkaan uu la kulmay dhowr isku day afgambi iyo xasilooni darro siyaasadeed oo ciidanka milatarigu si toos ah ama si dadban ugu lug lahaa. Waxaana sidoo kale ciidamada loo adeegsaday cadaadinta iyo cabburinta shacabka isbadel doonka ahaa.

Dabayaaqadii 1940-meeyadii, ciidanka milatariga ee Costa Rica wuxuu lahaa awood xoogan oo aan nidaamsanayn. Wuxuuna kol walba u adeegayay danaha siyaasadeed ee kooxda awoodda haysa, mana ahayn ciidan qaran oo si buuxda u matala muwaadiniinta oo idil.

Burburinta ciidanka Costa Rica ma ahayn arrin laab-lakac ah ama ku timid cadaadis dibadeed, balse waxay ahayd go’aan siyaasadeed iyo mid falsafadeed oo uu dalku si ujeeddo leh u qaatay kadib waqti adag oo uu galay.

Dhacdadii ugu saameynta badnayd ee horseeday burburinta ciidanka Costa Rica waa Dagaalkii Sokeeye ee 1948, kaasoo la oran karo waa dagaalka ugu saameynta weyn marka la eego taariikhda dalkaan.

Bishii Febraayo 1948, waxaa qabsoontay doorashadii madaxtinimo ee dalka, waxaana codbixinta ku guuleystay musharraxii mucaaradka ee lagu magacaabayey Otilio Ulate. Balse xukuumaddii markaas jirtay iyo baarlamaanka, oo ku dhowaa xisbiga talada hayey, ayaa sheegeen in doorashadu musuqmaasuq hareeyey, islamarkaana lagu laabanayo natiijada.

Go’aankaas wuxuu horseeday caro xooggan oo ay muujiyeen shacabka iyo mucaaradka. José Figueres Ferrer, oo ahaa ganacsade, siyaasi iyo hoggaamiye haystay ciidan, ayaa abaabulay kacdoon hubeysan oo uu lagu magacaabo “Ejército de Liberación Nacional” ama (Ciidanka Xoreynta Qaranka).

Dagaal sokeeye ayaa qarxay oo socday qiyaastii 40 maalmood (12 Maarso – 24 Abriil 1948), in ka badan 2,000 qof ayaa dhimatay. Ciidamadii dowladda ayaana ku guuldareystay in ay joojiyaan kacdoonka. Ugu dambeyna, xukuumaddii jirtay waa ay is dhiibtay, waxaana awoodda la wareegay José Figueres.

Figueres wuxuu ku dhawaaqay in uusan dooneen in mar danbe la arko ciidan mar kale awood u yeesha inuu shacabka qasbo ama doorashooyinka farageliyo. 1-dii December 1948, ayuuna Figueres si rasmi ah ugu dhawaaqay in la burburiyay ciidanka milatariga ee Costa Rica. Waliba asigoo ku sugan saldhiggii ciidanka ee caasimada dalka ee San José, wuxuuna gacantiisa ku burburieyey gidaarka ama darbiyada saldhigga ciidanka.

José Figueres 1948

Sanadkii xigay (1949), waxaa la qoray dastuur cusub oo si rasmi ah u mamnuucaya in dalku yeesho ciidan joogto ah oo militeri. Waxayna tani Costa Rica ka dhigtay waddankii ugu horreeyay caalamka ee ku dhaqaaqay tallaabo nuucaan ah. Qodobka 12-aad ee dastuurka dalkaan ayaana sheegayaa in ay mamnuuc tahay in uu dalkaan yeesho ciidan militeri oo rasmi ah ama joogta ah.

Dal asiga iska mamnuucaya ciidan awood leh si uu xasilooni iyo nabad ugu naaloodo!.

In kastoo Costa Rica maanta aysan lahayn ciidan milatari oo rasmi ah, haddana dalka wuxuu leeyahay hay’ado amni oo suga amniga. Waxaana la sameeyay nidaam booliis ah oo heer qaran ah, lehna qaybo kala duwan:

Sida Fuerza Pública ama Ciidanka Dadweynaha oo ah hay’adda ugu weyn ee amniga gudaha, taasoona qaabilsan ilaalinta kala dambeynta gudaha, kormeerka waddooyinka iyo bulshada, iyo la dagaalanka dambiyada guud. Ma ahan ciidan milatari oo si weyn u qalabeysan, waxayna hay’adaan hoostagtaa Wasaaradda Amniga Dadweynaha.

Policía de Fronteras waa ciidan boolisa oo qaabilsan xuduudaha uu dalkaan la wadaago dalalka Nicaragua iyo Panama.

Sidoo kale waxaa jira cutub boolisa oo lagu magacaabo Unidad Especial de Intervención (UEI), waana mid qaabilsan weerarada argagixisanimo, afduubyada, dagaalyahanada hubeysan, iyo ka-hortagga khalkhalka amni ee culus.

Dirección de Inteligencia y Seguridad (DIS) waa hay’adda sirdoonka gudaha, waxeyna mas’uul ka tahay la socodka qatarah ka dhanka ah qaranka iyo xog uruurinta amni.

In kasta oo Costa Rica aysan lahayn ciidan milatari oo joogto ah tan iyo 1948, haddana waddanku wuxuu leeyahay nidaam amni oo xooggan, qorshaysan, lagana shaqeeyay muddo tobannaan sano ah. Waxeyna qeyb ka tahay urur goboleedka bartamaha America ee SICA.

San José 

Hadaba, sidee Costa Rica isku difaaci kartaa haddii dal shisheeye duulaan ku soo qaado?

Costa Rica ma laha ciidan milatari oo rasmi ah, sidaas darteed ma jiraan diyaarado dagaal, taangiyo, ama cutubyo ciidan oo u diyaarsan dagaal ballaaran. Laakiin waxay ku tashaneysaa dhowr arimood, sida in ay tahay dal sumcad fiican ka heesta dhanka nabadda iyo diblumaasiyada, dalalka caalamkana la leh xiriir wanaagsan, in ay horseed ka tahay nabada gobolka, iyo in ay tahay dal aan wax dhibaata ah ku heenin dalalka la dariska ah.

Marka weerar ama duulaan lagu soo qaado, Costa Rica waxay aaminsan tahay in ay si degdeg ah u codsan karto faragelin caalami ah iyo in dalkeeda la keeno ciidamo ka socda Qaramada Midoobay.

Inta badan shacabka Costa Rica iyo xisbiyada siyaasadeed ee dalkaan waxa ay taageersan yihiin in uusan dalkooda yeelan ciidan militeri ah oo rasmiya, waxeyna u arkaan in ay ciidan la’aantu ka dhaxleen nabad iyo xasilooni. Kadib markii ciidanka militeriga la mamnuucayna, wax xasilooni daro ah dalkaan kama dhicin muddo ka badan 75 sano ayuuna dagaal la’aan yahay.

Dhaqaalaha dalkaan wuxuu si weyn diirada usaaraa horumarinta nolosha shacabka, halkii lagu bixin lahaa dhisidda iyo dayactirka ciidan xoog leh. Waxeyna la’aanta ciidan rasmiya noqotay Costa Rica dalka ugu nabdoon Bartamaha Ameerika. Waxeyna mucaaradka dalkaan ku naaloodaan xorriyad siyaasadeed oo militerigu ka caagan yahay.

Malahan miisaaniyad ciidan oo sareysa, taa badelkeedana waxaa dhaqaalaha dalkaan loo weeciyaa dhanka caafimaadka, kaabayaasha dhaqaale, iyo waxbarasho bilaash ah ilaa dugsiga sare. Nabadgelyada ka jirta dalkaan dartiisanA wuxuu soo jiitaa dalxiisayaal badan, waana dalka loogu booqashada badan yahay Bartamaha Ameerika.

Costa Rica waa dalka ugu dhaqaalaha badan Bartamaha Ameerika, sidoo kalena waa dalka ugu nabada badan, hadana sidaas oo ay tahay malahan ciidan rasmi ah oo militeriya. Dalka dariskiisa ee Nicaragua waa dalka ugu saboolsan gobolka, waana mid ciidan xoogan leh oo madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ka yihiin nin iyo xaaskiisa.

Dal walba arrimo u shaqeeya ayaa jira oo xal u ah, muhiimaduna waa in ummadu garato halka dhibaatadu ka heesato, xitaa haduu arinka dhibka keenaya uu yahay mid dadka kale ay ka faa’ideystaan.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top