Afghanistan: Xaqiiqooyin Layaab Leh

Afghanistan: Waa dhul buuraley ah oo dhaca bartamaha Aasiya — meel ay ku kulmaan Koonfurta iyo Bartamaha Aasiya. Waana dal aan bad lahayn, balse istaraatiijiyad ahaan muhiim u ah dunida oo dhan.

Marka aad fiiriso khariidadda, waxaad arkaysaa in Afghanistan ay dhacdo halbawlaha isku xira dalal badan. Galbeedka waxaa ka xiga Iran, halka waqooyigana ay kaga beegan yihiin Turkmenistan, Uzbekistan, iyo Tajikistan. Dhinaca bari iyo koonfurta, waxay xuduud aad u dheer kala wadaagtaa Pakistan; waxaana loo yaqaan khadka taariikhiga ah ee Durand Line.

Durand Line
Durand Line

Qaybta ugu layaabka badan ee xadka Afghanistan waa tan ugu yar ee bariga fog — halkaas oo buuraleyda la yiraahdo Wakhan Corridor ay si ciriiri ah kaabiga ugu hayaan dhulka Shiinaha, waana sabab ka mid ah sababaha Afghanistan loogu tilmaamo xarunta juqraafiyeed ee Aasiya.

Afghanistan-China

Afghanistan waxay xadka ugu dheer la wadaagtaa Pakistan, waxaana haatan labada dal ka dhex aloosan khilaaf xooggan oo salka ku haya arrimo badan. Pakistan waxay Taliban ku eedaysaa inay gabaad siiso kooxda (TTP) oo dagaal kula jirta dowladda Pakistan, halka Taliban ay Pakistan ku haysato weerarro ay gudaha Afghanistan ka fulisay.

Dabeecadda Dhulka iyo Buuraha

Afghanistan waa dal ay dabeecaddiisa deegaan adag tahay, waana mid ka mid ah dhulalka ugu qallafsan ee Aasiya. Dhul buuraley ah, mid bannaan oo qalalan, dooxooyin cidhiidhi ah, iyo gobollo cimilo ahaan baraf iyo kulayl isku dhafan ah — intaas oo dhan waxay si toos ah u saameeyaan nolosha dadka, dhaqaalaha, iyo xitaa siyaasadda dalka.

In ka badan saddex-meelood meel dhulka Afghanistan waa buuro, wuxuuna dalkaan si weyn caan ugu yahay buuraha “liqay” imbiraadooriyado awood badan. Waxaana buuraha Afghanistan laf-dhabar u ah kuwa loo yaqaan Hindu Kush, kuwaas oo teedsan bartamaha ilaa bariga dalkaan.

Hindu Kush
Hindu Kush

Magaca buurahaan ee Hindu Kush waxaa loola jeedaa “Buurihii dilay Hindida”; waana magac qadiimi ah oo salka ku haya taariikh hore oo sheegaysa in dad addoon ah oo Hindiya laga keeni jiray in badan oo ka mid ah in ay ku geeriyoon jireen buurahaan kolka la marinayo.

Koh-i-Baba waa laan ka mid ah buuraha silsiladda ah ee Hindu Kush, waana isha ay ka soo burqadaan wabiyo badan sida: Kabul, Helmand, Farah, iyo kuwo kale. Sidoo kale, buuraha Hindu Kush waxaa laga helaa buurta Noshaq oo ah tan ugu jooga dheer dalkaan.

Noshaq

Intii uu Mareykanku ku sugnaa Afghanistan, waxaa si weyn dunida looga bartay buuraha Tora Bora ee dhaca bariga gobolka Nangarhar, agagaarka xadka Pakistan. Waxaa halkaas muddo ku sugnaa Bin Laden, wuxuuna Mareykanku ka fuliyey hawlgalo iyo duqeymo culus.

Tora Bora
Tora Bora

Magaalooyinka Muhiimka ah

Magaalo walba oo dalkaan ka tirsan waxay leedahay sheeko u gaar ah — mid dhaqan, mid diineed, iyo mid istaraatiijiyeed.

Kabul: Waa caasimadda iyo magaalada ugu weyn ee Afghanistan. Waxay ku taallaa bartamaha bari ee dalka, waana mid ku fidsan dooxo ay ku hareereysan yihiin buuro dhaadheer oo qayb ka ah Hindu Kush. Kabul waa wadnaha siyaasadda, dhaqaalaha, iyo dhaqanka; waana magaalo martigelisay dagaallo qaraar. Intii uu socday dagaalkii sokeeye iyo duullaankii Maraykanka, Kabul marar badan waa la burburiyey, haddana dib ayaa loo dhisay.

kabul
Kabul

Kandahar: Waxay ku taallaa koonfurta dalka, waana magaalada labaad ee ugu weyn. Waxaa la rumeysan yahay inuu dhisay Alexander the Great qiyaastii 330 BC. Kandahar waa halka ay taallo ruuxda qabiilka Pashtun ee ugu tunka weyn dalkaan, waxayna magaaladu door muhiim ah ku leedahay siyaasadda gudaha.

Kandahar
Kandahar

Herat: Waa mid ku taalla galbeedka dalka, gaar ahaan xadka Iran. Waa magaalo qurux badan oo leh taariikh qadiim ah oo u laabaneysa ilbaxnimadii Persia. Waxay ku caan tahay farshaxanka, suugaanta, iyo dhismaha quruxda badan ee Islaamiga ah — gaar ahaan Masaajidka Weyn ee Herat.

Mazar-e Sharif: Waxay dhacdaa waqooyiga dalka, waana magaalada ugu weyn gobollada waqooyi. Magaceedu macnihiisu waa “Qabriga sharfan”, wuxuuna magacu u laabanayaa aaminsanaanta ay dad badan aaminsan yihiin in uu halkaan ku aasan yahay Cali bin Abi Daalib (RC). Magaaladan waxaa laga helaa masaajidka Rawze-e Sharif (Masjidka Buluugga).

Mazar-e Sharif

Taariikhda iyo Maamulka

Ka hor inta aysan Afghanistan noqon dowlad casri ah, waxaa dhulkaan ka jiray boqortooyooyin iyo ismaamullo madax-bannaan. Dhulkan waxaa soo maray ilbaxnimooyin waaweyn sida: Persians, Macedonians, Imbiriraadooriyadii Kushan, iyo xukunkii Islaamiga ahaa ee Khurasaan.

Afghanistan waxay ahayd dhul furan oo isgoys ah, meel ay ku kulmaan ilbaxnimooyinka Aasiya iyo Yurub — balse aan lahayn dawlad dhexe oo midaysan.,wuxuuna arinkaan isbadelay Qarnigii 18-aad gaar ahaan 1747,markaas oo uu Ahmad Shah Durrani mideeyay qabiilooyinka Pashtun, asigoona dhisay dawlad xoog leh oo gaartay Pakistan, Iran, ilaa India.,waxaana loo yaqaan aasaasaha qaranka maanta jira ee Afghanstan.

Ahmad Shah Durrani

Boqortooyadii Durrani waxay burburtay kadib markii ay kala jabeen isna qilaafeen wiilashiisii iyo qabaa’ilka.kadibna Afghanistan waxay gashay casri ay qabiiladu iyo madaxda deegaanka talada hayyaan, mana jirin dawlad midaysan oo xoog leh.

Inta lagu jiray qarnigii 19aad, laba quwadood oo waaweyn — Boqortooyadii Britain (oo markaas maamuleysay Hindiya) iyo Boqortooyadii Ruushka — waxay ku dagaallamayeen saameynta bartamaha Aasiya. Loollankaasi siyaasadeed iyo sirdoona waxaa loo yaqaan magaca “The Great Game”.

Waxaa jira saddex dagaal oo ingiriiska iyo afghan isku farasaareen oo loo yaqaan  Anglo-Afghan,waana dagaalo guuldaro la huwiyey imbiraadooriyadii ingiriiska ee dunida ku baahsaneed.

Dagaalkii koowaad,ingiriisku waa ku guuldaraystay,kii labaadna wuxuu ogolaaday in Afghanistan ay  ahaato dawlad madaxbannaan, balse Britain ay maamusho xiriirkeeda dibadda.

Dagaalkii 3aad-na Boqor Amanullah Khan ayaa ku jabiyey ingiriiska dagaal qaraar,wuxuuna dagaalkii sadexaad dhaliyey in la saxiixo heshiiskii Rawalpindi (1919) ee sida buuxda loogu aqoonsaday madax-bannaanida Afghanistan.

Amanullah Khan wuxuu sameeyay dib-u-habeyn casri ah oo dumarka iyo waxbarasho ku saleysan,  wuxuuna doonayay in la yareeyo awoodda culimada iyo qabaa’ilka, balse  1929 ayaa xukunka laga tuuray.

Waxaa xigay xukunkii Boqoradii Nadir Shah iyo Zahir Shah, kuwaas oo afghanstan ka talinayeen 1930–1973,Xilligii Zahir Shah waxey afghanstan dagaal iyo qalalaase mooganeed muddo 40 sano ah.

1973: Daud Khan ayaa afgambi ku riday boqortooyadii, asigoona noqday madaxweyne,

1978: Xisbi Shuuciya oo lagu magacaabayey (PDPA) ayaa afgambi sameeyay.Waxayna shuuciyiintu dileen madaxweynihii waqtigaas ee Daud Khan, ayagoona dhisay dowlad Shuuci ah oo ay madax ka ahaayeen Nur Muhammad Taraki iyo Hafizullah Amin,waxeyna Dowladda cusub bilowday dib-u-habeyn xoogan oo ka dhan ahayd diinta, dhaqanka, iyo qabaa’ilka — waxeyna talaabadaan ka careysiisay dad badan oo Muslimiin ah.

Marxaladihii Dagaalka iyo Taliban

1979: Midowgii Soofiyeetka ayaa duullaan ku qaaday dalkaan ,si uu u ilaaliyo dowladda shuuciga,Soofiyeet wuxuu la kulmay dagaal adag waxaana kolkaasi la abuuray olole jihaadi ah oo taageero ka helay Mareykanka, Pakistan, iyo Carabta.

1989 soofiyeet dhabarka ayuu jeediyey kadib markii uu u taagwaayey dalkaan qalcada ah,waxaana sidoo kale muddo kadib burburtay dowladdii shuuciga ahayd, Kadib burburkaas kooxihii Mujaahidiinta ee Soofiyeedka la dagaallamay waxay bilaabeen in ay is dagaalaan, mid walbana wuxuu rabay in uu dalka maamulo.Waxaa qarxay Dagaal sokeeye oo sababay burbur aad u weyn, kumannaan qof ayaa dhintay magaalooyin dhowr ah oo ay Kabul ku jirto ayuuna holocu gaaray.

1979 soviet

1994: koox cusub oo dhalinyaro ah oo dhanka diinta u janjeerta ayaa kasoo baxday magaalada Kandahar ee koonfurta Afghanistan,waxaa hogaaminayey Mullah Mohammad Omar, waxeyna kooxdu la baxday magaca Taliban oo macne ahaan ah ardayda diinta,waxeyna ujeedkoodu ku sheegaan in nabada la soo celiyo shareecadana la hergeliyo,.

Taliban si degdeg ah ayey u ballaarisay awoodeeda, iyadoo taageero ka heshay ganacsatada deegaanka iyo Pakistan-ta ay maanta ishayaan, sirdoonka Pakistan (ISI – Inter-Services Intelligence) ayaana si toos ah u tababaray dhalinyarada Taliban ee ku sugnaa xeryaha qaxootiga ee Pakistan (sida Quetta iyo Peshawar).waxeyna kolkaasi pakistan ku doodi jirtay in taliban tahay xoog nabadeed oo dalka midaynaya,

1996: Taliban ayaa qabsatay Kabul,kadib markii ay meesha ka saartay dowladdii Burhanuddin Rabbani, guushaasi kadibna Taliban waxey dhistay Imaarad Islaamiya.

2001: Mareykanka ayaa duullaan ku qaaday dalkaan ka dib weerarkii 11-kii September,wuxuuna sheegay in ujeedkiisu yahay burburinta Al-Qaacidda iyo Taliban.

Waxaana la dhisay dowlad cusub oo uu hogaaminayay Hamid Karzai, wuxuuna dalka cagaha la galay xaalad dagaal, iyo dhibaato amni.

Intii uu mareykanka joogay afghanstan, Qiyaastii dad ku dhaw 50 kun oo rayid ah ayaa ku dhintay dagaalada,duqeymaha iyo qaraxyada, In ka badan 5 milyan oo qof ayaana sidoo kale ku barakacay gudaha dalka iyo dibada.

2021: 20 sano ka dib, Taliban ayaa mar kale si buuxda ula wareegtay xukunka dalka.

2021 Kabul

Dhaqaalaha iyo Bulshada (2025)

Dhaqaalaha Afghanistan sanad walba waxa u sameeyaa kobac, inkastoo uusan xowli ahayn,sanadkii 2024 kororka GDP-ga waxa lagu qiyaasay inuu ahaa 2.5%.,sanadkaan marka la eegana qaar ka mid ah falanqeeyayaasha sida Hay’adda Asian Development Bank  waxay saadaaliyeen in kororka GDP uu noqon karo 1.8%.

Afghanistan waxay xoojinaysaa xiriirka diblomaasiyadeed ee dalalka caalamka sida Shiinaha, Ruushka, iyo Hindiya oo dhawaan ku dhawaaqday in ay dib u furi doonto safaaraddeeda Kabul. lkn Caqabadaha waaweyn ee dhaqaalaha dalkaan wali hortaagan waxaa kamida: Ganacsiga xadidan, xiriir la’aanta caalamiga ah, iyo ilaha maaliyadeed ee dowladda oo wali aan xooganeen.

Tirada dadka Afghanstan waxaa lagu qiyaasaa ilaa 40 malyan, waxayna u kala baxaan dhowr qowmiyadood oo waaweyn iyo kuwo yaryar,Pashtun ayaa ah qowmiyada ugu balaaran oo qiyaastii 42% ka ah dadka dalkaan,Waxay asal ahaan ka soo jeedaan koonfurta iyo bariga Afghanistan, gaar ahaan magaalooyinka Kandahar, Nangarhar, iyo Helmand.

Waxay caan ku yihiin nidaam sharafeedka Pashtunwali, oo ah xeer dhaqan oo ku dhisan geesinimo, martisoor, iyo aargoosi.waana kuwa ugu tunka weyn siyaasada dalkaan,

Pashtun

Afghanistan waa dal luqado badan lagaga hadlo, 🇦🇫 Dari (Afghan Farsi) – Waxaa ku hadla ilaa 50% oo dadka dalkaan ah, waana afka ugu badan ee wax lagu qoro, lagu barto, laguna isticmaalo warbaahinta.luuqada ku soo xigtana waa 🇦🇫 Pashto –ga,

Qiyaastii 85–90% dadka dalkaan waa Sunni Muslimiina,waxaana inta badan Sunni ah dadka Pashtun, Tajik, iyo Uzbek.waxaa jiraan dad shiica ah oo lagu qiyaaso 10–15%.,waxeyna intooda badan shiicada dalkaan ka soo jeedaan dadka Hazara.

Hazara

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top