Diego Garcia: Jasiirad dadkii lahaa laga xoogay, adduunkana laga xukumo

Jasiirad ku dhex qarsoon Badweynta Hindiya, meel uu Mareykanku si weyn ugu tashado loolanka dunidana muhiimad u leh; waa jasiirad laga xoogay dadkii lahaa, taariikh murugsanna la saaxiib ah.

Jasiiradda Diego Garcia dhul ahaan waxay dhacdaa Badweynta Hindiya, waana bartamaha inta u dhaxaysa Bariga Afrika iyo Koonfurta Aasiya. Juqraafi ahaan waa jasiirad u qaabaysan sida “horseshoe” ama kabo-faras, waxayna ka tirsan tahay jasiiradaha silsiladda ah ee loo yaqaan British Indian Ocean Territory (BIOT), kuwaas oo hoostaga Boqortooyada Ingiriiska.

Waa jasiirad meel geeri-go’an ku taal, balse istaraatiijiyad ahaan muhiim ah oo uu Mareykanku ku tashado. Waxay dhacdaa wadnaha Badweynta Hindiya, saldhigga ku yaallana wuxuu diiradda saaraa marin-biyoodyada muhiimka ah sida Hormuz, Strait of Malacca, iyo marinada kale ee isku xira Bariga Dhexe, Aasiya, iyo Afrika. Tani ayaana Diego Garcia ka dhigtay xudunta istaraatiijiyadeed ee ciidamada badda ee Mareykanka iyo Ingiriiska, maadaama ay awood u leeyihiin inay gaaraan baraha istiraatiiji ee Bariga Dhexe, Afrika, iyo Koonfurta Aasiya waliba muddo gaaban gudaheed.

Inkastoo ay tahay jasiirad yar, haddana juqraafi ahaan waa “goob qarsoon oo dunida saameyn ku leh”, taas oo si fudud loogu xakameyn karo dhaqdhaqaaqa maraakiibta ganacsiga iyo milatariga ee Badweynta Hindiya. Jasiiraddaan dhererkeedu waa 44 km halka ballaceeduna uu gaari karo 11 km, balse dhulkeeda rasmiga ah ee badanaa la adeegsado waa ilaa 27 km². Badda ku wareegsana waa mid aad u qoto dheer.

Cimilada Diego Garcia waa mid diiran oo sanadka oo dhan qoyaan leh, wuxuuna heerkulkeedu u dhexeeyaa 27°C ilaa 31°C. Xilliga uu roobka ugu badan da’o waa bilaha Noofambar ilaa Maarso. Waana jasiirad uu aad uga baxo geed qumbaha xeebaha ee kokos, waxayna mar ahayd gabi-ahaanteeda mid cagaaran oo dabiici ah, inkastoo haatan inteeda badan laga helo saldhigyo ciidan, garoomo diyaaradeed, iyo dekedo milatari.

Waxay ka mid tahay jasiiradaha silsiladda ah ee Chagos Archipelago, kuwaas oo ka kooban in ka badan 60 jasiiradood oo yaryar, waana kuwa dhammaantood si dabiici ah u samaysmay. Jasiiradahan midda ugu muhiimsan waa Diego Garcia, waxayna u muuqataa ama la dhihi karaa waa caasimadda jasiiradaha Chagos.

Markii ugu horraysay ee jasiiradda Diego Garcia la ogaaday waxay ahayd qarnigii 16-aad, gaar ahaan xilligii ay badmareennada Bortuqiisku bilaabeen inay sahamiyaan Badweynta Hindiya. Magaca jasiiraddana wuxuu ka yimid badmareen Bortuqiis ah oo lagu magacaabi jiray Diogo Garcia de Moguer, waxaana la rumeysan yahay inuu yahay shakhsigii ugu horreeyey ee reer Yurub ah ee jasiiraddan arkay.

Dabayaaqadii qarnigii 18-aad, waxaa jasiiraddan gacanta ku dhigay Faransiiska, wuxuuna halkaan ka sameeyey beeraha qumbaha iyo qasabka sonkorta, isagoona keenay addoomo Afrikaan ah iyo shaqaale ka soo jeeday jasiiradaha Seychelles iyo Madagascar si ay uga shaqeeyaan beeraha. Markii uu Faransiisku ku guuldareystay dagaalladii Napoleonic (1814), Diego Garcia iyo dhammaan jasiiradaha Chagos waxaa la wareegay Boqortooyada Ingiriiska, waxaana la hoos geeyey maamulkii Ingiriiska ee Mauritius.

Markii uu dhammaaday Dagaalkii Labaad ee Adduunka (1945), muhiimadda Diego Garcia si weyn ayey isu beddeshay. Qarnigii 20-aad, gaar ahaan 1960-meeyadii, Ingiriisku wuxuu diiradda saaray sidii uu u ilaalin lahaa joogitaankiisa Badweynta Hindiya, isagoo waliba kaashanaya Mareykanka oo isna doonayay saldhig weyn oo bartamaha Badweynta Hindiya ku yaal si uu u ilaaliyo danihiisa Bariga Dhexe, Aasiya, iyo Afrika.

Taasi waxay horseedday in sannadkii 1965 uu Ingiriisku Mauritius ka gooyo jasiiradaha yaryar ee Chagos Archipelago ka hor inta aysan Mauritius helin xorriyadeeda. Waxaana jasiiradaha laga gooyey Mauritius loo sameeyey maamul cusub oo la yiraahdo British Indian Ocean Territory (BIOT), jasiiradda Diego Garcia ayaana markaasi noqotay xarunta ugu weyn ee jasiiradaha Chagos.

Ka hor intaan milatarigu imaan, Diego Garcia iyo jasiiradaha kale ee Chagos waxaa ku noolaa dad lagu magacaabi jiray Chagossians ama Ilois. Waxay ahaayeen jiilal ka soo farcamay addoomadii iyo shaqaalihii Afrikaanka ahaa ee uu Faransiisku jasiiradahan keenay qarnigii 18-aad. Noloshoodu waxay ku dhisnayd beerashada qumbaha (copra), kalluumaysiga, iyo ugaarsiga shimbiraha badda. Carruurtoodu waxay aadi jireen iskuullo yaryar oo ay taageeri jireen kaniisado Katoolik ah, halka dadka waaweyn ay maalin kasta u shaqo tagi jireen warshado yar-yar.

Inkasta oo ay noloshoodu ahayd mid sabool ah, haddana waxay lahaayeen dhaqan iyo aqoonsi u gaar ah. Markii Britain iyo Mareykanku go’aansadeen in Diego Garcia laga dhigo saldhig milatari (dabayaaqadii 1960-meeyadii), waxaa la bilaabay qorshe qarsoon oo dadka looga saarayo jasiiradda. Dadkii deganaa waxaa lagu wargeliyay inay “si ku meel gaar ah” u bixi doonaan, balse dhab ahaantii qorshuhu wuxuu ahaa in jasiiraddu noqoto mid dadka deegaanka ka caagan.

Intii u dhaxaysay 1968 ilaa 1973, ku dhowaad 1,500 ilaa 2,000 qof ayaa si qasab ah looga qaaday Diego Garcia iyo jasiiradaha kale ee Chagos. Dad badan waxaa lagu raray maraakiib ganacsi oo aan loogu talagalin bini-aadamka. Markii ay gaareen Mauritius iyo Seychelles-na, waxay la kulmeen nolol adag, oo ay wehliso guri-la’aan, shaqo-la’aan, iyo saboolnimo. Qaar badan waxay u dhinteen cudurro iyo dhibaatooyin nafsi ah, halka kuwa kalena ay noqdeen dad lagu ilaabay dal aysan lahayn.

Waxaa si weyn loo qariyey in jasiiraddan ay dad deganaayeen, laakiin markii caalamka laga ogaaday inay jiraan dad laga xoogay jasiiraddan, Britain iyo Mareykanku waxay ku doodeen in amniga iyo istaraatiijiyadda caalamiga ahi ay ka muhiimsan tahay dadka deegaanka. Tallaabada lagula wareegay Diego Garcia ilaa maanta waxaa lagu tilmaamaa xadgudub bini-aadamnimo iyo gumaad dadban.

Maanta, dadka Chagossians waxay ku kala firirsan yihiin Mauritius, Seychelles, iyo qaybo ka mid ah UK, waana jiil aan weligood arkin dhulkoodii hooyo ee saldhigyada loo beddelay. In badan oo ka mid ah waxay wajahayaan dhibaato dhaqaale, niyad-jab, iyo dareen ku qotoma aqoonsi-la’aan. Waxay u dagaallamaan oo ku doodaan inay xaq u leeyihiin inay ku noqdaan dhulkooda, waxayna gudbiyeen dacwado badan oo maxkamadeed, iyagoo xitaa tagay oo dacwad u gudbiyey Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ).

Sanadkii 2019, ICJ waxay soo saartay go’aan sheegayay in maamulka Britain ee Chagos uu yahay sharci-darro, isla markaana ay tahay in jasiiradahan loo celiyo dalka uu Ingiriisku ka gooyey ee Mauritius. Laakiin Ingiriisku wuxuu ku nuuxnuuxsaday in jasiiradda Diego Garcia iyo kuwa kale ee yaryar ay muhiim u yihiin ammaanka caalamka, isla markaana sharci ahaan uusan uga faaruqayn.

Bilowgii sanadkan, 22-kii bishii saddexaad, ayuu heshiis la galay Mauritius. Heshiisku wuxuu qeexayaa in UK ay lahaanayso xuquuqda isticmaalka iyo hawlgalinta saldhigga milatari ee Diego Garcia muddo 99 sano ah.

Mareykanku wuxuu si buuxda u saldhigay Diego Garcia sanadkii 1971. Dagaal kuma uusan qabsan, balse wuxuu heshiis la galay Ingiriiska oo markaas wali maamulayay jasiiradda. Xilligaas waxaa socday Dagaalkii Qaboobaa. In Mareykanku uu si weyn u daneeyana jasiiraddan waxaa u sabab ah dhowr qodob:

Diego Garcia waxay ku taallaa bartamaha Badweynta Hindiya — meel si siman ugu dhow Bariga Dhexe, Koonfurta Aasiya, iyo Koonfurta Afrika. Sidaas darteed, Mareykanku wuxuu istusay inuu helay fursad uu hal meel kaga gaari karo saddex qaaradood, isagoo awood u leh inuu duqeeyo, ilaaliyo, ama ciidan ku daadgureeyo meelo kala fog.

Markii uu socday Dagaalkii Qaboobaa, Midowgii Soofiyeeti wuxuu xiriir dhow la lahaa dalal badan oo dhaca ama kaabiga ku haya Badweynta Hindiya sida Hindiya, Soomaaliya, iyo Yementa Koonfureed. Mareykanku wuxuu rabay meel uu kaga hortago saameyntii Soofiyeeti ee gobolka. Sidaas darteed, Mareykanku wuxuu Diego Garcia u arkayey saldhig laga jihayn karo diyaaradaha iyo maraakiibta diiradda saarayey marin-biyoodyada muhiimka ah ee Hormuz iyo Malacca.

Biyaha ku hareeraysan Diego Garcia waa marin muhiim u ah shidaalka dunida ee ka yimaada Bariga Dhexe. Marka la eego muhiimadda tamarta, Mareykanku wuxuu doonayay saldhig aan si weyn uga fogayn Khaliijka si uu u ilaaliyo danihiisa dhaqaale.

Sannadadii dambe, Diego Garcia waxay noqotay saldhig u diyaarsan duullaan kasta oo degdeg ah, waana xudunta hawlgallada Mareykanka ee Badweynta Hindiya. Jasiiradda waxaa laga dhisay garoon diyaaradeed oo 3.6 km ah, deked qoto dheer, iyo keyd shidaal. Waxaana si weyn loogu daadgureeyey hub culus oo uu Mareykanku ku taageeri karo ciidammadiisa ku sugan Bariga Dhexe iyo Aasiya.

Tan iyo markii la dhisay, saldhigga Diego Garcia wuxuu kaalin weyn ka qaatay hawlgallo badan oo Mareykanku sameeyay, sida: Dagaalkii Khaliijka (1991), Duullaankii Afghanistan (2001), iyo dagaalkii uu Ciraaq ku qaaday 2003. Waxaana jasiiraddan si weyn loo hadal-hayey kolkii uu Mareykanku isku diyaarinayey weerarkii duqeynta ee uu ku qaaday Iiraan sanadkan gudihiisa (2025). Waxaa la rumeysan yahay in halkaan ay ku sugan yihiin B-52 Stratofortress, B-1B Lancer, iyo B-2 Spirit bombers — oo ah diyaaradaha ugu awoodda badan ee qarxinta nukliyeerka iyo duqeynta fog.

Waxaa sidoo kale ka hawlgala diyaaradaha KC-135 iyo KC-10 Extender oo ah kuwa shidaalka hawada ku siiya diyaaradaha kale. Sidoo kale waxaa la sheegaa in laga helo diyaaradaha sirdoonka iyo kuwa aan duuliyaha lahayn (drones). Dekedda Diego Garcia-na waa mid aad u qoto dheer oo si buuxda u qaadi karta maraakiibta dagaalka ee waaweyn sida kuwa diyaaradaha xambaara iyo burburiyeyaasha.

Waxaa jira doodo iyo warbixinno caalami ah oo tilmaamaya in CIA-da Mareykanku ay halkaan si qarsoodi ah ugu xirtay dad badan ama ku sameysay xarig sir ah oo ka baxsan nidaamka sharciga. Arrintan Mareykanka waxaa ku dhaleeceeyey ururo badan oo u dooda xuquuqda aadanaha. Xogo badan ayaana jira oo aan wali la caddayn, sida in jasiiraddan lagu keydiyo hubka nukliyeerka iyo inay jiraan awoodo qarsoon oo dadka laga qariyey.

Jasiiradda Diego Garcia waa mid yar oo Badweynta Hindiya ku taal, balse waa mid leh awood siyaasadeed iyo milatari oo beddeli karta miisaanka caalamka. Waa mid koobsatay taariikh gumeysi, masaafurin dad, iyo saldhig istiraatiiji ah oo maanta xudun u ah hardanka awoodaha waaweyn ee dunida.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top