Boqortooyada Lesotho: Dalka Ugu Qabow Afrika

Lesotho, dal ka duwan dhammaan dalalka kale ee Africa, waa dal gabi ahaanba ku yaala buura dushooda, cimilo ahaanna la moodo Yurub.

Waa dal yar oo buuraley ah, kana mid ah dalalka ugu yaabka badan Afrika. Waxa uu dhacaa Koonfurta qaarada Afrika, khariiradiisuna waa mid gaar ah oo gabi ahaanba dalkaan waa mid la dhihi karo wuxuu dhacaa gudaha dalka Koonfur Afrika marka la eego xuduudihiisa—waxeyna tani dalkaan ka dhigaysa mid ka mid ah dalalka dunida ee leh dhul gebi ahaanba hareeraysan (enclave state).

Hadaba, maxaa sababay in uu kamid noqon waayo dalka South Africa? Taariikhda aan xusi doono ayaa ka jawaabi doonta!

Dalkaan yar waxaa lagu gartaa oo uu caan ku yahay buuro dhaadheer, dooxooyin qoto dheer, iyo cimilo qabow oo aan lagu arag inta badan dalalka kale ee Afrika. Waa dalka kaliya ee Africa dhaca ee dhamaan dhulkiisu ka sareeyo heerka biyaha bada ilaa kun mitir, waana sababta loogu yeero “Roof of Africa” ama Saqafka Afrika; waxaana sidoo kale lagu naaneesaa Boqortooyada ku sugan samada.

Dhulalka sareeya ee buuraleyda ah ee Lesotho intooda badan waxey ka tirsan yihiin buuraha silsilada ah ee Drakensberg, waxaana dalkaan laga helaa buurta Thabana Ntlenyana oo ah buurta ugu dheer guud ahaan Koonfurta qaarada Africa. Buuraha Lesotho waxay ka mid yihiin kuwa ugu xiisaha badan ee Afrika laga helo. Waxaana xilliga jiilaalka ka dhaca baraf xoogan oo dad badan yaab galiya, maadaama Africa lagu aqoon cimilo aad u qaboow oo baraf la saaxiiba; waxaana dalkaan ka qabsooma ciyaaraha barafka sida skiing-ka.

Bilaha May ilaa August dalkaan cimilo ahaan waa mid aad u qaboow, waxaana ka dhaca baraf xoogan. Lesotho waa dal aan bad lahayn balse biyo badan ku qani ah, waxaana laga helaa biyo dhacyada Maletsunyane oo kamid ah kuwa ugu jooga dheer Africa. Sidoo kale, wuxuu dalkaan leeyahay mashruuc lagu magacaabo Lesotho Highlands Water Project, oo ah mashruuc ay Lesotho biyo ku siiso dalka ku hareereysan ee South Africa.

Dalka Lesotho waxa uu si rasmi ah u dhashay qarnigii 19aad, waxaana la aasaasay qiyaastii 1822 kadib markii hogaamiye la oran jiray Moshoeshoe I uu mideeyay qabiilooyinka Sotho ee ku noolaa dhulka buuraleyda ee maanta loo yaqaan Lesotho. Moshoeshoe I wuxuu asaasay boqortooyo buuraha ku nool oo awood leh, wuxuuna saldhig uga dhigay buurta loo yaqaan Thaba Bosiu oo maanta ah astaan qaran oo ay dadka reer Lesotho ku faanaan.

Moshoeshoe I waxa uu ahaa aabaha qaranka Lesotho, wuxuuna mideeyey bulshada asigoona u yagleelay nidaam xukun oo salka ku haya dhaqankooda, diintooda, iyo xeerarkooda. Waxeyna tani adkeysay tiirarka Lesotho xili uu gobolka ku jiray xaalad fowda ah. Wuxuu ahaa mid xeeladaysta oo aan isku dayin in uu awood ku difaaco Lesotho; wuxuuna inta badan dagaalka ka doorbidi jiray dhanka diblumaasiyada iyo in lala falgalo kuwa awooda leh.

Waqtiyadii gumeysiga, Lesotho oo markaas loo yaqaanay Basutoland waxey wajahaysay hanjabaado kaga imaanayay Afrikaanerada Buuraha ama dadka cadaanka ee asal ahaan Netherlands ama Holland ka soo jeeda ee loo yaqaan (Boers). Waxey dadka cadaanka ah doonayeen in ay dhulka ay heesteen ku darsadaan Lesotho; waxeyna si gaar ah qatar kala kulmayeen beeraleyda Dutch-ka ee degganaa gobolka Orange Free State ee dariska la ah Lesotho.

Hadaba, Moshoeshoe I si uu arinkaan meesha uga saaro, wuxuu 1868 si rasmi ah codsi ugu dirsaday Ingiriiska, isaga oo u sheegay in dalkiisa uu doonayo in uu noqdo British Protectorate (dhul Ingiriiska uu ilaaliyo hoostagana). Ingiriiska wuu aqbalay codsigaas, wuxuuna Lesotho u aqoonsaday dhul uu isaga ilaaliyo oo si dadban u hoostaga. Tani waxay ka hortagtay in Lesotho ay si rasmi ah ugu mid noqoto Koonfur Afrika, oo markaas ay dadka Boers iyo Ingiriis kala xukumi jireen. Ingiriiska wuxuu u oggolaaday madaxda deegaanka in ay sii hayaan awooda siyaasadeed, balse waxa uu kormeerayay arrimaha dibadda, amniga, iyo dhaqaalaha guud.

Inkastoo Lesotho uu Ingiriiska la lahaa xiriir wanaagsan, hadana mararka qaar waxaa jiray dagaallo iyo khilaafaad, sida dagaalkii Gun ee socday (1880–1881), kaas oo dhacay kadib markii dadka Basotho ay diideen inay hubka dhigaan. Markii Koonfur Afrika la mideeyeyna 1910, Ingiriiska waa uu diiday in Lesotho lagu daro midowga, maadaama dadka Lesotho ee Basotho loo yaqaan ay si weyn u diidanaayeen in la hoos geeyo maamulka Koonfur Afrika.

Dalka Lesotho wuxuu si buuxda xoriyadiisa u helay 4-tii October 1966, markaas oo uu noqday dal madax-bannaan oo leh calan, dastuur, iyo dowlad u gaar ah. Waxaana markaas magacii hore ee dalkaan ee Basutoland lagu beddelay magaca hadda loo yaqaan ee ah Kingdom of Lesotho. Dalkaan wuxuu leeyahay boqortooyo dastuuri ah (constitutional monarchy), taasoo macnaheedu yahay in boqorka dalkaan uu yahay madaxa ugu sareeya ee qaranka balse waa mid aan awoodaha dhan heen oo waa boqor sharafeed, waxeyna awoodda maamulka dalka ay gacanta ugu jirtaa baarlamaanka iyo xukuumadda.

Boqortooyada Lesotho ma ahan sida boqortooyooyinka kale ee Africa sida mida Morocco iyo Eswatini (Swaziland); boqortooyada Lesotho waa mid awood ahaan xadidan oo dastuuri ah waana astaan qaran oo ka turjumeysa midnimada qaranka. Boqorka Lesotho ee Letsie III wuxuu markii ugu horeysay xilka qabtay 1990 kadib markii aabihiis, Boqor Moshoeshoe II, xilka laga qaaday kadib markii uu isku dayey in uu yeesho awood fulineed. Aabihiis wuxuu dib ugu soo noqday xukunka 1995, laakiin hal sano kadib, wuxuu ku dhintay shil gaari oo ka dhacay dhanka buuraleyda Lesotho; markaas kadib ayuuna noqday boqorka dalkaan ee ilaa maanta hogaaminaya. Aabihiis wuxuu mar xilka ku waayey in uu isku dayey in uu ka awood badnaado xukuumada iyo baarlamaanka dalka.

Caasimadda dalka Lesotho waa Maseru; waa magaalo yar oo sabool ah marka la barbar dhigo caasimadaha kale ee dalalka dariska, maashaariicda horumarineed iyo maalgashiga oo ku yar awgeed, waxeyna si weyn ugu tiirsan tahay South Africa. Dhaqaalaha Lesotho waa mid nugul oo ku tiirsan dhowr ilood oo kooban, waxaana ugu muhiimsan lacagaha ay diraan dadka u dhashay dalkaan ee ka shaqeysta gudaha dalka South Africa. Sidoo kale, waxaa ka qeyb qaata dhaqaalaha dalkaan biyaha nadiifka ah ay Lesotho ka iibiso Koonfur Afrika, waana mid ka mid ah ilaha dakhliga ugu muhiimsan ee sanadlaha ah. Waxaana mashruucaan loogu yeeraa “shidaalka buluugga ah,” oo biyaha ayaa ah khayraadka ugu qaalisan ee Lesotho leedahay.

Maseru

Warshado yar yar oo dharka ah ayaa ku yaalla dalkaan, kuwaas oo ay ka shaqeeyaan kumannaan haween ah. Sidoo kale, dhaqaalaha Lesotho wuxuu ku tiirsan yahay kaalmada hay’adaha caalamiga, sida IMF, World Bank, iyo ururo samafal oo waaweyn. Waxaana lacagta dalkaan lagu magacaabaa Lesotho Loti.

Caqabadaha uu dalkaan wajahayo waxaa kamid ah: shaqo la’aan xoogan, kutiirsanaanta dibada, waxsoosaarka beeraha ee xadidan, iyo musuqmaasuq baahsan. Lesotho waxa ay leedahay mid ka mid ah heerarka ugu sarreeya ee HIV/AIDS adduunka; waxaana la sheegaa in 21% ilaa 23% oo dadka waaweyn ee dalkaan ah in ay qabaan HIV/AIDS, tanina macnaheedu waa 5-tii qof ee dalkaan u dhalatay in uu qof kamid ah u la nool yahay HIV/AIDS.

Dalkaan wuxuu kamid yahay dalalka Africa ee xadiga sare heesta marka la eego dadka wax aqrin kara waxna qori kara; ilaa 80% oo dadka reer Lesotho ayaana awooda wax aqrin iyo wax qorid. Haweenka dalkaan ayaana waxbarasho ahaan ka sareeyaan ragga.

Dadka reer Lesotho waxaa lagu magacaabaa guud ahaantooda Basotho, waxayna badankood kasoo jeedaan qowmiyadda Sotho. Tirada dadka dalkaan waxey kor u dhaafeysaa ilaa 2 malyan. Dadka caadiga ah ee reer Lesotho badankood waa beeraley yar-yar oo ku tiirsan beerista galleyda, digirka, masaggada, iyo xoolo dhaqashada. Waxeyna si weyn u jecel yihiin cuntada Papa oo ah cunto sida Ugali ama Sadza ah.

Waxey xirtaan dhar dhaqameed maro ahaan culus oo sida hu’ ama buste ah; waxaana lagu yaqaanaa labiska dhaqan ee dalkaan koofiyad lagu magacaabo Mokorotlo, waxeyna koofiyadaan ka dhex muuqataa calanka dalkaan. Qiyaastii 90% oo dadka dalkaana waa Kirishtaan; waxeyna diinta door muuqda ku leedahay waxbarashada iyo hab dhaqanka bulshada dalkaan. Waxeyna leeyihiin ciyaaro dhaqameedyo sida Mokhibo (Mo-khi-boh) oo ay dumarku ciyaaraan, iyo Ndlamo oo ay ragu soo bandhigaan.

Basotho

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top