New Delhi: Caasimada India Ee Ku Dhaw In Laga Barakaco !

Caasimadda dalka Hindiya ee New Delhi ayaa ku dhow in dadkeedu noqdaan kuwa ka barakaca cimilada ka jirta. Dadka magaalada ayaa dhowr jeer sameeyay dibadbaxyo ay ku cabanayaan, iyagoo ku dhawaaqaya: “Kaliya waxaan doonaynaa inaan neefsanno, waanu u xiisnay inaan si caadi ah hawada u qaadano!”

Marka la eego Tusmada Tayada Hawada (AQI) ee magaalada New Delhi, waxey ku sugan tahay xaalad khatar ah oo laga deyrinayo. Waxayna caafimaad-darro xooggan ay la soo gudboonaan kartaa carruurta iyo dadka waayeelka ah.

Dawladdu waxay isku dayaysaa inay wax qabato, iyadoo doonaysa inay dhinto arrimaha sababa in hawadu ay si xad-dhaaf ah u wasaqowdo. Waxay joojisay dhismayaal badan, halka sidoo kale ay rabto inay samayso “cloud-seeding” si daruuro loo abuuro roobna loo helo.

Waa Maxay Air Quality Index (AQI)?

Air Quality Index waa halbeegga lagu cabbiro tayada hawada, iyo sida ay nadiif ama wasakh u tahay hawada meel gaar ahi. Waa cabbir midabo kala duwan leh oo tiro ahaan u dhexeeya 0 ilaa 500. waxaana Tayada hawada la qiimeeyaa iyadoo la eegayo walxaha wasakhda ah ee ku jira, sida:

  • Ozone (O₃)
  • Nitrogen dioxide (NO₂)
  • Sulfur dioxide (SO₂)
  • Carbon monoxide (CO)
  • PM2.5 iyo PM10: Oo ah boodh iyo qiiq yar-yar oo aad u khatar badan, si fududna sambabada u dhex gala.

Qalab gaar ah oo la dhigo meelo ka mid ah magaalada ayaa tilmaama heerarka hawada:

  • 1–50: Hawadu waa nadiif, caafimaad ahaanna way habboon tahay.
  • 51–100: Dadka xasaasiyadda leh oo kaliya ayaa dareemi kara dhib kooban.
  • 101–150: Hawadu aad uma fiicna; carruurta, waayeelka, iyo dadka neefta qabana waxaa lagula taliyaa inay taxadaraan.
  • 151–200: Halkan ayay si rasmi ah uga bilaabataa khatarta caafimaad, dadka badankooduna waxay bilaabaan inay neefsashada ku dhibtoodaan.
  • 201–300: Waa xaalad adag oo hawada bannaanka ay khatarteeda leedahay.
  • 301–500: Waa heerka ugu sarreeya ee keeni kara dhimashada, waana xaalad “Hazardous” ah oo qof walba dareemi karo.

Magaalada New Delhi, inta badan heerkeeda tayada hawadu wuxuu gaaraa in ka badan 400, halka mararka qaar ay gaarto ilaa 800 oo ah xaalad halis ah oo ka baxday xadka cabbirka. Marka la eego xadiga walxaha PM2.5 ee magaaladaana, wuxuu 60 jeer ka badan yahay inta ay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ku talisay.

Dadka magaaladu waxay ka niyad-jabsan yihiin ballanqaadyada dawladda ee aan la fulin. Waxay ka walwalsan yihiin inay u dhintaan hawada wasakhaysan ama inay u barakacaan cimilada sii xumaanaysa awgeed.

Daraasad lagu daabacay joornaalka The Lancet Planetary Health ayaa tilmaamaysa in 3.8 milyan oo qof ay hawada wasakhaysan ugu dhinteen Hindiya intii u dhaxaysay 2009 ilaa 2019, Toban sano gudahood, ku dhowaad afar milyan qof ayaa si toos ah ama si dadban ugu geeriyooday cudurro la xiriira hawada wasaqeysan.

Delhi

Delhi waa magaalada ugu dadka badan dalka Hindiya, marka la eego caalamkana waxay ku jirtaa kaalinta labaad. Waxaana guud ahaanteeda ku nool ilaa 30 milyan oo ruux. Hadaba magaaladan ay dadku buux-dhaafiyeen waa mid kamid ah magaalooyinka ay ugu hawada wasaqeysan dunida.

Sida ay sheegeen hay’adaha Berkeley Earth iyo WHO, hal maalin oo aad neefsato hawada Delhi waxay la mid tahay adigoo cabay 15 ilaa 20 sigaar ah. Sidaas darteed, qofka magaaladan ku nool—xitaa haddii uusan sigaar cabin—jirkiisu wuxuu u shaqeynayaa sida qof sigaar caba. Wuxuuna halis u yahay neef-qabatin, wadne-xanuun, iyo inuu ku dhaco cudurka kansarka..

Sannadkaan waxaa magaalooyinka ugu hawada wasaqeysan hogaamineysa Delhi, oo sidoo kalena sanad walba si joogto ah ugu jirta liiska magaalooyinka ugu hawada wasaqeysan dunida, wuxuuna heerka tayada hawada ee magaaladaan celcelis ahaan bilaha jiilaalka ka badan yahay 300.

Waxaa jira arrimo badan oo sababa in tayada hawada caasimadda Hindiya ay aad u liidato waxaana kamida:

  1. Gubista Beeraha: Beeraleyda Punjab iyo Haryana ayaa guba haramaha iyo qashinka dalaga bariiska bilaha Oktoobar iyo Noofambar, qiiqaasna waxaa magaalada keena dabaysha.
  2. Gaadiidka: Malaayiin baabuur ah oo shidaal guba ayaa maalin walba qiiq ku siidaaya magaaladaan.
  3. Warshadaha iyo Dhismaha: Qiiqa warshadaha iyo boodhka dhismayaasha ayaa sidoo kale qeyb ka ah.
  4. Isticmaalka Dhuxusha: Dadka saboolka ah oo weli u isticmaala cunto karinta dhuxusha iyo qoryaha dhirta .
  5. Cimilada Jiilaalka: Hawada qabow ayaa wasakhda hoos u dhigta, iyadoo ka hortagta inay kor u kacdo (Temperature Inversion).
Delhi

Marka laga yimaado Delhi, magaalada Byrnihat ee dalka Hindiya ayaa sannadkii hore noqotay goobta ugu hawada wasakhaysan dunida. Waa magaalo yar oo ay ku badan yihiin warshado, kuwaas oo badankoodu aan isticmaalin qalabka shaandheeya ama nadiifiya qiiqa (filters).

Gobolka Meghalaya oo ay magaaladani ka tirsan tahay waa gobol dhir badan, kaas oo 76% dhulkiisa ay kaymo dabooleen, isla markaana leh buuro ku habboon hawada nadiifka ah. Inkastoo gobolku dabeecad ahaan saas yahay, haddana Byrnihat waxay noqotay meesha ugu hawada wasakheysan caalamka, sababtaasna waxaa leh warshadaha aadka ugu badan.

Xilliga jiilaalka, inta badan magaalooyinka ugu hawada wasakhaysan dunida waxay ku yaallaan dalka Hindiya. Magalooyinka kale ee liiskan safka hore kaga jira waxaa ka mid ah: Lahore (Pakistan), Tashkent (Uzbekistan), Dhaka (Bangladesh), Kolkata (India), Qaahira (Egypt), Kuwait City (Kuwait), Bishkek (Kyrgyzstan), Milan (Italy), iyo Manama (Bahrain), iyo waliba magaalooyinka Dooxa (Qatar) iyo Riyaad (Saudi Arabia).

Magaalooyinkaan intooda badan waxay ku yaallaan qaaradda Aasiya, balse dalka Jaad (Chad) ee dhaca bartamaha Afrika ayaa sannadkii la soo dhaafay noqday dalka ugu hawada wasakhaysan dunida. Dalkani waa mid ka mid ah dalalka dhul ahaan ka tirsan lama-degaanka weyn ee Afrika ee Sahara. Dabaysha xooggan ee ka dhacda Saharaha ayaa harqisa hawada dalkaan, iyadoo ku reebta walxaha yaryar ee loo yaqaan PM10 iyo PM2.5. Boodhkaas dabiiciga ah ayaana ah sababta ugu weyn ee wasakhowga hawada dalka Jaad.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay sheegtay in sannad kasta qiyaastii 7 milyan oo qof ay u dhintaan hawada wasakhaysan awgeed. Cudurrada ugu badan ee laga qaado wasakhowgaas waxaa ka mid ah: wadne-xanuunka, faaligga (Stroke), dhibaatooyinka neef-mareenka (sida Asthma iyo COPD), kansarka sambabada, iyo caabuqyada ku dhaca hab-dhiska neefsashada (sida oof-wareenka ama Pneumonia, oo gaar ahaan ku badan carruurta).

Dalka Jabaan waa mid ka mid ah tusaalooyinka ugu wanaagsan ee dhanka ilaalinta tayada hawada magaalooyinka. Tokyo, oo ah magaalada ugu dadka badan dunida, ayna ku nool yihiin ilaa 37 milyan oo ruux, ayaa hawadeedu waxaa lagu tilmaamaa mid nadiif ah; iyadoo cabbirka tayada hawadeedu (AQI) uu inta badan ka hooseeyo 50.

Ka dib markii uu dalka Jabaan la kulmay wasakhow daran sannadihii 1970-meeyadii, dawladdu waxay soo rogtay xeerar adag oo khuseeya warshadaha iyo gaadiidka. Waxay xaddiday isticmaalka shidaalka wasakhda badan iyo baabuurta aan lahayn qalabka shaandheeya qiica sunta ah ee matoorka ka soo baxa (Catalytic Converter).

Tokyo

Sidoo kale, Beijing oo ah caasimadda Shiinaha, ayaa ka mid ah magaalooyinka xalka u helay wasakhowga hawadooda. Waxaa lagu guuleystay olole ay dawladdu horseed ka ahayd oo lagula tacaalayay hawadii wasakhaysnayd ee magaaladaan. Tan iyo sannadkii 2013-kiina, waxaa 50% hoos loo dhigay heerka PM2.5, oo ah qiiqa iyo boodhka yaryar ee caafimaad-darrada keena.

Beijing

Dunida waxey u jiheysatay habab hawada looga dhigi karo mid nadiif ah,sida in laga guuro gaadiidka ku shaqeeya shidaalka ee qiica sii daaya si buuxdana loo bilaabo in lawada adeegsado kuwa korontada ku dhaqaaqa.

Halkii geed wuxuu sanadkii nuugi karaa 20–30 kg CO₂, Sidaas daraadeed waxaa la dhiirigeliyaa In xitaa dusha ama darbiyada dhismayaasha sare ee magaalada lagu beero dhir si ay u nuugaan CO₂ iyo qiiqa. kuwaasoona xitaa qeyb ka noqon kara qaboojinta magaalada, waxaana habkaan caan ku ah singapore.

Magaalooyin badan ayaa hirgeliyey, halka kuwo kalena ay qorshaynayaan, inay dhisaan munaarado hawada nadiifiya. Ujeeddadu waa in la dhiso taawaro waaweyn oo hawada nuuga, ka dibna shaandheeya boodhka iyo walxaha PM2.5, iyagoo sii deynaya hawo nadiif ah. Tusaale ahaan, magaalada Xi’an ee dalka Shiinaha waxaa laga dhisay taawar dhererkiisu yahay 100 mitir, kaas oo nadiifiya hawo u dhiganta 10 km².

Xi’an

Arrimaha kale ee xalka loo arko waxaa ka mid ah in loo guuro tamarta la cusboonaysiin karo, sida tamarta laga dhaliyo qorraxda, dabaysha, iyo qulqulka biyaha, si loo yareeyo CO₂ iyo walxaha kale ee wasakheeya hawada.

Hay’adda WHO waxay saadaalisay, haddii magaalooyinka ay Delhi hoggaaminayso ay xaaladdoodu sidan kusii socoto, inay suurtagal tahay in marka la gaaro sannadka 2050 ay dad ka badan 10 milyan sannad walba u dhiman karaan hawada wasakhaysan awgeed. Qiiqa iyo kuleylka ayaa dadka ka eryi doona magaalooyinka waaweyn, halka qaarkoodna ay isku rogi karaan “no-go zones” ama aagag halis ah oo aan la geli karin.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top