Xaqiiqooyinka Nigeria: Dalkii Shidaalka iyo Mataanaha

Nigeria waa dalka ugu dadka badan Afrika, waana mid astaan u ah kala duwanaanshaha, awoodda dhaqaale ee qaaradda, iyo halganka dowladnimo. Waa dhul hodan ku ah shidaalka, dhaqamada, afafka iyo fanka; dhanka kalena sidoo kale waa mid la tacaala musuqmaasuq, saboolnimo, iyo xasarado siyaasadeed.

Nigeria waa mid kamid ah dalalka dhaca Galbeedka Afrika. Wuxuu xad la wadaagaa ilaa afar dal, Badweynta Atlantic ayaana koonfur kaga beegan. Waa dalka 14-aad ee ugu weyn qaaradda. Dhanka waqooyi ee dalkaan waa mid qalalan oo laga helo lamadegaan; dhanka Bari iyo Koonfur-bari waa buuro iyo kaymo; halka koonfurtuna tahay xeebo iyo dhul qoyan oo ku badan yihiin keymo roobaadyo.

Webiyada Niger iyo Benue ayaa ku kulma gudaha Nigeria, waana kuwa muhiim u ah dhaqaalaha, waraabka, iyo tamarta ee dalkaan. Magaca dalkaan ee ah Nigeria wuxuu ka yimid Webiga Niger.

Dalkaan waa mid ay ku nool yihiin dadka ugu badan marka la eego Afrika, waxaana ku nool ilaa 230 malyan oo ruux. 1990-kii dalkaan dadkiisu waxay ahaayeen ilaa 95 malyan, waxayna 200 malyan noqdeen muddo kooban oo ilaa 24 sano ah.

Dalka Nigeria waa midka mataanaha ugu badan ku dhashaan. Qowmiyadda Yoruba, oo ku badan koonfurta-galbeed Nigeria, ayaana si gaar ah loogu yaqaanaa dhalida caruurta mataanaha ah. Waxaana magaalada Igbo-Ora ee gobolka Oyo loogu yeeraa “Magaalada Mataanaha” sababtuna waa tirada badan ee mataanaha ee halkaas ku dhasha.

Dalkaan waxaa ku nool in ka badan 250 qowmiyadood. Kuwa ugu waaweynna waxaa kamid ah Hausa oo ah qowmiyadda ugu ballaaran dalkaan; intooda badan waa Muslimiin waana kuwa ku xooggan dhanka ganacsiga, oo waxaaba ka soo jeeda shaqsiga Afrika ugu taajirsan ee lagu magacaabo Aliko Dangote.

Dadka Hausa waxay ku xooggan yihiin dhanka waqooyi ee dalkaan, waxaana la jaal ah oo ay aad isaga agdhow yihiin dadka Fulani. Qowmiyadaha kale ee Nigeria waxaa kamid ah Yoruba oo dhanka galbeedka ku badan, waana kuwa isugu jira Kirishtaan iyo Muslim. Qowmiyadaha kale ee la xusi karo waa Igbo oo ku badan dhanka bari ee dalkaan, waana kuwa intooda badan Kirishtaan ah.

In ka badan 500 luqadood ayaa lagaga hadlaa Nigeria, balse luuqadda Ingiriisiga ayaa ah luqadda rasmiga ah ee dalkaan.

Dadka Muslimka ee dalkaan waxay aad ugu badan yihiin dhanka waqooyi, halka Kirishtaanku intooda badan laga helo koonfurta. Waqooyiga maalinta Jimcaha ayaa ugu muhiimsan dadkuna nastaan, halka koonfurta laga sugo maalinta Axadda. Muslimiinta iyo Kirishtaanku waa kuwa tira ahaan iska agdhow, laakiin Muslimiinta ayaa dalkaan ka ah ilaa 53% halka Kirishtaanka lagu sheego 43%. Waxaana dalkaan ku nool dad haysta diimo dhaqameed ay awoowayaashood ka dhaxleen.

Siyaasadda dalkaan waxaa si weyn saameyn ugu leh diinta, waxaana aalaaba taagan doodo ku saleysan isku dheelitirka Muslimiinta iyo Kirishtaanka ee dhanka xukunka.

Madaxweynaha haatan ee Nigeria waa Bola Ahmed Tinubu, waa Muslim. Kirishtaanku waxay filayeen in uu madaxweyne ku xigeenka dalka uu noqdo qof haysta diinta Kirishtaanka ah, balse taasi bedelkeeda waxaa noqday shaqsi Muslim ah oo lagu magacaabo Kashim Shettima. Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka dalka labada waa kuwa aan Kirishtaan ahayn.

Waxaa mararka qaar dalkaan ka dhaca isku dhacyo u dhexeeya Muslimiinta iyo Kirishtaanka, gaar ahaan bartamaha Nigeria ama dhulka loo yaqaan Middle Belt, oo ah aag ay ku kulmaan dadka labada diin kala haysta; waxayna isku dhacyadu ka dhacaan badanaa magaalooyinka dhaca aaggaas sida magaalada Jos.

Kahor gumeysigii reer Yurub, dhulka Nigeria waxaa ka jiray oo soo maray dhowr boqortooyo sida Oyo oo dadka Yoruba lahaayeen, Boqortooyadii Benin, iyo Khilaafadii Sokoto oo ahayd dowlad Islaami ah oo ka hana qaaday Waqooyiga Nigeria qarnigii 19-aad.

Gumeysiga Nigeria wuxuu bilaabmay qarnigii 19-aad markii Boqortooyada Ingiriiska iyo dalal kale oo Yurub ah ay bilaabeen maamulidda Afrika. Sannadkii 1914, Ingiriisku wuxuu si qasab ah isugu daray qaybo kala duwan oo dalka ka tirsan. Haddaba, ugu dambeyntii Nigeria waxay Ingiriiska ka xorowday 1960. Kadib xornimada, dalku wuxuu galay jahwareer siyaasadeed, waxaana 1966 dhacay afgambigii ugu horreeyay. Waxaana intaasi xigay dilal lagu fuliyey siyaasiyiin sare sare.

1967–1970 waxaa socday Dagaalkii Sokeeye ee Biafra. Xilligaasi waxaa jirtay dowlad la yiraahdo Biafra oo gooni isutaag ku dhowaaqday; wuxuu fadhigoodu ahaa koonfurta bari ee dalkaan, waxayna intooda badan ahaayeen qowmiyadda Igbo ee Kirishtaanka ah.

Dowladda dhexe ee Nigeria ayaa dagaal ku qaaday, waxaana qarxay dagaal sokeeye oo sababay dhimashada ilaa 1 milyan oo qof, oo badankoodna u dhintay gaajo. Dagaalkaan wuxuu soo idlaaday 1970, waxaana lagu guuleystay in la burburiyo gooni isutaagii Biafra.

Intii u dhaxeysay 1966–1999, Nigeria waxay la kulantay ku dhawaad 8 afgambi, waxayna dhex maquuraneysay xukun askareed. Militariga ayaana dalkaan xukumayay muddo ku dhow 30 sano. Hoggaamiyayaashii militariga ahaa ee dalkaan soo xukumayna waxaa ka mid ah: Yakubu Gowon, Murtala Mohammed, Olusegun Obasanjo, iyo Sani Abacha.

1999, dalku wuxuu si rasmi ah ugu laabtay nidaamka dimuqraadiga ah, waxaana la doortay Madaxweyne Olusegun Obasanjo.

Nigeria waxay leedahay nidaam federaal ah oo awoodda u qeybsan tahay heer qaran oo dowlad dhexe ah iyo heer gobol, wuxuuna dalkaan ka kooban yahay 36 gobol.

Magaalo madaxda dalka Nigeria waa magaalada Abuja, mana kamid ahan gobolada dalka ee 36-ka ah, oo waa magaalo gaar ah oo dowladda dhexe ay si toos ah u maamusho, sida Washington, D.C. Waxay dhacdaa bartamaha dalka, waana mid si siman ugu dhow dadka oo idil, waana magaalo ka ammaan badan kana nadaafad fiican dhammaan magaalooyinka kale ee Nigeria. Abuja ma ahayn magaalo taariikhi ah; waxayna ahayd dhul bannaan oo loo doortay in laga dhigo caasimad cusub. Waxaana la asaasay sanadkii 1991 si ay u beddesho Lagos, oo ahayd caasimaddii hore ee dalkaan.

Abuja

Lagos waa magaalada ugu weyn Nigeria, waana midda ugu dadka badan Afrika, waxaana ku nool in ka badan 20 malyan oo ruux. Dhanka kalena waa xarunta dhaqaalaha, ganacsiga, iyo warshadaha ee dalka Nigeria.

Lagos waa gobol buuxa, waxayna leedahay guddoomiye, baarlamaan goboleed, iyo nidaam u gaar ah sida gobollada kale. Lagos waa xudunta dhaqaalaha Nigeria waxaana laga helaa bangiyada ugu waaweyn, shirkado ganacsi, dekedaha ugu mashquulka badan, fanka iyo warbaahinta.

Magaaladaan waxey caasimad u tahay muusikada Nigeria ee dhalay nooca muusikada ee casriga ah ee loo yaqaan Afrobeats, oo maanta ah mid dunida oo dhan laga dhegeysto, waxaana caalami noqdeen fannaaniinta reer Nigeria sida Burna Boy, Wizkid iyo Davido.

Lagos

Sidoo kalena Nigeria waa mid ku caan ah shirkadda aflaamta ee Nollywood, oo ah tiyaatarka labaad ee ugu weyn adduunka marka la eego tirada aflaanta la soo saaro sanadkiiba; kaliya Bollywood ayaa ka badan. Waxaana Nollywood sanadkii la soo dhaafay loo diiwaangeliyey in ka badan 2,500 oo filim.

Nigeria waa dal muhiim ah oo kamid ah ururada dhaqaale sida ECOWAS iyo OPEC. Waana dalka afaraad ee ugu dhaqaalaha ballaaran Afrika marka la eego guud ahaan Waxsoosaarka Gudaha (GDP). Kaalintaas wuxuu ku muteystay hoos u dhaca dhaqaale ee dalkaan uu sameeyey, waxaana liidasho sameysay lacagta dalkaan ee Naira.

Dalkaan waa midka shidaalka ugu badan soo saara marka Afrika la eego. In ka badan 90% dakhliga dhoofka Nigeria wuxuu ka yimaadaa dhanka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah. Gobolka Niger Delta ayaa ah meesha shidaalka ugu badan laga soo saaro. Wuxuuna dhowaan taajirka Afrika uu dalkaan ka hirgeliyey warshadda sifeynta saliidda ceyriin oo qiime ahaan ku fadhida 23 bilyan oo doolar.

Aliko Mohammad Dangote

Inkastoo Nigeria ay tahay dalka ugu weyn ee shidaalka soo saara Afrika, haddana waa dal la daalaadhacaya horumar la’aan dhaqaale. Arrintaan waxaa u sabab ah musuqmaasuq baahsan iyo maarayn xumo. In ka badan $400 bilyan oo dakhli shidaal ah ayay lumisay Nigeria sababo la xiriira musuqmaasuq, xatooyo, iyo maamul xumo.

Tuugada shidaalka iyo weerarada ka dhanka ah kaabayaasha sida Trans-Niger Pipeline ayaa si weyn u yareeyay wax-soo-saarka. Tusaale ahaan, bishii Maarso 2025, qarax ka dhacay Trans-Niger Pipeline ayaa halis geliyay 450,000 oo foosto oo shidaal ah.

Nigeria waxay la tacaaleysaa deymo badan iyo sicir-barar sare. Waxayna dowladdu kordhisay canshuurta iibka ee VAT ilaa 12.5% si ay dakhli u hesho. Waxayna dadka dalkaan in ka badan kala bar u shaqo tagaan dhanka beeraha; sidaasi oo ay tahayna ku dhowaad 33 milyan oo Nigerian ah ayaa la tacaalaya cunto yari.

Dalkaan wuxuu kamid yahay dalalka Galbeedka Afrika ee khataraha amni wajahaya. Kooxaha Boko Haram iyo ISWAP ayaana weeraro ka geysta Gobollada Waqooyi-bari sida Borno, Yobe, iyo Adamawa.

Nigeria waa dalka lixaad ee ugu dadka badan dunida, laakiin ku dhowaad kala bar oo dhalinyarada dalkaan ah ma haystaan wax shaqo rasmi ah. Tanina waxay ka qeyb qaadataa amni darada iyo in uu kordho afduubka.

Kofar Mata waa aag taariikhi ah oo ku yaalla magaalada Kano ee waqooyiga Nigeria, waxaana si gaar ah loogu yaqaannaa dye pits-ka dhaqameed ee halkaas ku yaalla. Waana halka ugu qadiimsan Afrika ee dharka lagu midabeeyo, waxaana la aasaasay 1498. Waxaana si weyn loogu yaqaannaa oo ay caan ku yihiin isticmaalka geedka Indigo si loo helo midab buluug qoto dheer.

Nigeria waxay dal leh fursado waaweyn oo dhanka horumarka ah, haddii laga guuleysto maamul xumada iyo caqabadaha amni, wuxuuna si rasmi ah u noqon karaa hoggaanka dhabta ah ee qaaradda Afrika.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top