Norway iyo Sheekada Mucjisada Ah Ay Ku Horumartay

Sidee buu dal buuro iyo baraf daboolay, dadkiisuna ahaayeen kalluumeysato sabool ah, u noqday mid kamid ah dalalka ugu qanisan dunida?

Norway waa dal dhaca waqooyiga qaaradda Yurub, gaar ahaan qaybta loo yaqaan Scandinavia. Waa dal buuraley ah oo leh xeeb aad u dheer oo ku fidsan dhinaca Badda Waqooyi (North Sea) iyo Badda Barents (Barents Sea). Taas ayaa ka dhigaysa dalka labaad ee dunida ugu xeebta dheer, waxaana ka xeeb dheer oo keliya dalka Canada.

Dhanka dhulka, Norway waxay xad kala leedahay Sweden, Finland, iyo Ruushka. Norway waxay Ruushka xad kala wadaagtaa dhanka waqooyi-bari, waana xuduud ay kala qaybiyaan webiga Pasvik (Paatsjoki) iyo biyaha Badda Barents.

Dooxooyinka qotada dheer iyo Buuraha Scandinavian ee ku baahsan bartamaha iyo galbeedka dalkan waa mid kamid ah sababaha uu dalkaan ku soo jiito dalxiisayaal badan, waana astaanta ugu weyn ee lagu garto muuqaalka Norway. Xilliyada jiilaalka, inta badan Norway waxaa daboola baraf, gaar ahaan waqooyiga iyo meelaha buuraleyda ah; barafkuna waa qayb ka mid ah dhaqanka dalkaan.

Norway waa mid kamid ah dalalka ugu jasiiradaha badan caalamka. Midda ugu weyn jasiiradaha Norway waa Hinnøya, waana mid leh magaalooyin taariikhi ah sida magaalada Harstad. Jasiiradaha kale ee Norway ee la xusi karo waxaa kamid ah Svalbard, oo ah jasiirado yaryar oo dhaca cirifka waqooyi ee barafku jiifo.

Jasiiradahan waxaa laga helaa magaalooyin cajiib ah sida magaalada Longyearbyen. Waxay xilliga jiilaalka (Noofambar ilaa Janaayo) gashaa xaalad la yiraahdo Polar Night — oo ah in muddo bilo ah aysan magaaladan u soo bixin qorraxdu gebi ahaanba. Dhinaca kale, xilliga xagaaga (May ilaa Agoosto), waxay leedahay Midnight Sun, taas oo ah in qorraxdu aysan marnaba dhicin, habeen iyo maalinba ay duljoogto.

Magaaladan arrin kale oo u gaar ah ayaa jirta, waana in aan dadka lagu aasin. Cimiladeeda aadka u qabow iyo dhulkeeda barafka ah awgeed, meydku aad isuma beddelo marka la aaso. Sidaas darteed, dhakhaatiir iyo cilmi-baarayaal badan ayaa ogaaday in bakteeriyo iyo fayrasyo halis ah ay weli ku jiri karaan meydka lagu aaso magaaladan. Waxaana baaritaan lagu sameeyey dad u geeriyooday cudurkii Spanish Flu (1918-1920) lagu ogaaday in weli uu fayrasku jirkooda ku jiro isagoo firfircoon. Sidaas darteed, dawladdu waxay mamnuucday in magaaladan dadka lagu aaso, waxaana qofkii ku dhinta lagu qaadaa diyaarad ama markab si loogu aaso dhulka kale ee Norway.

Magaalooyinka kale ee cajiibka ah ee Norway waxaa kamid ah magaalada Rjukan oo dhacda buuro dhexdooda. Maadaama ay halkaas ku taallo, aad ayay u adag tahay inay qorraxdu soo gaarto. Muddo qarni ku dhow waxay dadka magaaladan ku noolaayeen iyagoo aan qorrax toos ah arag, ilaa laga sameeyey muraayado waaweyn (solar mirrors) oo buuraha lagu rakibay si ay qorraxda ugu soo leexiyaan magaalada.

Rjukan

Bergen waa magaalada labaad ee ugu weyn dalkan. Trondheim-na waa caasimaddii hore ee dalka Norway, balse magaalada ugu muhiimsan dalkan waa Oslo. Waa caasimadda rasmiga ah ee Norway, waana xarunta siyaasadda, dhaqaalaha, iyo dhaqanka; waxaana ku nool ilaa hal milyan oo ruux. Waxaa lagu tilmaamaa inay tahay caasimadda ugu cagaaran dunida, iyadoo in ka badan 66% dhulka Oslo uu yahay kaymo, beero lagu nasto, iyo dhul biyood. Waa magaalo jirta in ka badan 1,000 sano, waxaana la aasaasay qiyaastii sanadkii 1040. Maantana waa xarunta boqortooyada Norway iyo halka uu ku yaallo Guriga Boqortooyada. Goobaha kale ee xiisaha leh waxaa kamid ah Matxafka “Vigeland Park” oo laga helo in ka badan 200 oo taallo oo laga sameeyay dhagax iyo naxaas.

Boqolaal sano ka hor, dhulkan qabow waxaa ka soo ifbaxay dadkii ugu geesisanaa Yurub — Vikings! Qiyaastii sanadkii 800 CE, xeebaha Norway waxaa ku noolaa dad badda ku tiirsan, oo ku noolaa kalluumeysi, ugaarsasho iyo nolol adag. Dhulkoodu waa mid buuraley ah oo barafku jiifo, beer tacbashaduna aysan ku habboonayn, sidaas darteed badda ayaa noqotay jidka ay ku maareeyaan noloshooda. Waxay bilaabeen inay dhistaan doonyaha dheer ee degdegga ah ee loo yaqaan (Longships), markaas kadibna waxay ogaadeen inay si fudud ku mari karaan baddaha Yurub; sidaas ayuuna ku bilowday casrigii Viking-ka.

Qaybta waqooyi iyo galbeed ee Norway waxay ahayd meesha ugu badan ee Viking-yadu ka ambabaxi jireen. Magaalooyinka sida Bergen, Trondheim, iyo Stavanger waxay ahaayeen dekedo ay ka baxaan maraakiibtooda si ay u sahmiyaan ama u weeraraan meelo aad u fog. Waxay si xooggan ugu faafeen Denmark iyo Sweden ilaa ay ugu dambayn qaarkood tageen England iyo Ireland, halka qaar kalena ay gaareen France iyo Mediterranean-ka. Xitaa waxaa jiray kuwa gaaray Waqooyiga Ameerika ka hor inta uusan dhalan Christopher Columbus.

Markii la gaaray qarnigii 10-aad, Norway waxay bilowday inay ka baxdo nolosha dagaalka oo ay u gudubto xasilooni. Olaf Tryggvason iyo Olaf II (St. Olaf) ayaa mideeyey qabiilladii kala daadsanaa, Norway-na waxay yeelatay boqortooyo rasmi ah oo leh nidaam iyo boqor la aqoonsan yahay.

Sanadkii 1380, Norway waxay kamid noqotay midow ay Denmark kula jirtay, waxayna muddo dheer ahayd mid hoos tagta boqortooyada Denmark. Muddo qarniyo ah (laga soo bilaabo qarnigii 14-aad), Denmark iyo Norway waxay isku ahaayeen hal boqortooyo — waxaana la isku dhihi jiray “Kingdom of Denmark–Norway”. Markaas Denmark ayaa ahayd hoggaamiyaha, halka Norway ay ahayd qayb hoose oo aan madax-bannaanayn.

Markii ay dhammaadeen dagaalladii Napoleon ee Yurub (1814), Denmark waxay taageertay dhinicii khasaaray, Sweden-na waxay ahayd dhinicii guuleystay. Heshiiskii nabadda ee Treaty of Kiel (1814), waxaa Denmark lagu amray inay Sweden magdhaw ahaan u siiso dhulka Norway, maadaama Sweden ay guuldarro kala kulantay Ruushka oo qabsaday dhulka Finland. Sweden hanti ahaan ayaa loo siiyey Norway, taasina waxay ka careysiisay dadka Norway, iyagoo degdeg u sameeyey dastuur cusub oo ay ku qoreen in Norway tahay dal madax-bannaan, lehna boqor u gaar ah. 17-kii May 1814 ayayna ku dhawaaqeen madax-bannaani — taariikhdaasna waa mid ilaa maanta la xuso (17 May waa maalinta qaranka Norway).

Sweden ma aysan aqbalin madax-bannaanidaas, waxayna weerartay Norway. Dagaal gaaban kadib, waxaa la gaaray heshiis nabadeed oo qeexayay in Norway ay aqbasho midow siyaasadeed oo Sweden hoggaamiso, balse ay yeelato madax-bannaani gudaha ah. Midowgaas wuxuu socday ilaa 1905, markaas oo Norway go’aansatay inay si nabad ah uga baxdo — waxayna noqotay dal si buuxda u madax-bannaan iyadoo yeelatay boqor lagu magacaabayey Haakon VII.

Abriil 1940, Nazi Germany ayaa qabsaday Norway. Boqorka iyo dawladda waxay u baxsadeen London, ugu dambayna dalku wuxuu xoroobay markii Jarmalka lagu jabiyey dagaalkii labaad ee dunida. Maanta dalkan kama mid ahan dalalka safka hore ee awoodda ciidan leh, balse wuxuu kamid yahay ururka NATO oo uu ku biiray 4-tii Abriil 1949.

Dagaalkii labaad ee dunida kadib, dalku wuxuu la daalaadhacayay duruufa dhaqaale, balse mustaqbalkiisu wuxuu si weyn isu beddelay sanadkii 1969, markaas oo Badda Waqooyi hoosteeda laga helay ceel shidaal oo loo bixiyey Ekofisk Field. Dawladdu waxay go’aansatay inay si xikmad leh u maamusho kheyraadkaas. Waxaa la dhisay shirkadda Statoil (1972) si dawladdu u yeelato gacanta ugu weyn; maanta shirkaddaas waxaa loo yaqaan Equinor.

Waxaa la dejiyay shuruuc adag, waxaana la sameeyay kayd lacageed oo gaar ah oo la yiraahdo Government Pension Fund Global (Oil Fund). Waa sanduuqa ay dawladdu ku kaydiso lacagta ka timaadda shidaalka si jiilasha mustaqbalku ay uga faa’iidaystaan. Lacagtan waxaa lagu maalgeliyay suuqyada caalamka, waxayna maanta gaaraysaa in ka badan 1.4 trilyan oo doollar, waana sanduuqa maalgashi ee haatan ugu weyn dunida.

Norway lacagta shidaalka waxey si weyn ugu maalgalisay Waxbarasho tayo leh,Caafimaad bilaash ah,Kaabayaal dhaqaale oo casria ah,iyo Tamarta cagaaran – si ay mustaqbalka uga baxdo ku tiirsanaanta shidaalka.
Dalkan waxaa lagu tiriyaa dalalka ugu daahfurnaanta badan uguna musuqa yar, waxaana dadka dalkaan sidoo kale lagu tiriyaa dadyowga ugu kalsoonida badan nidaamkooda dowladeed,

Norway waxay leedahay xeebta ugu dheer Yurub (in ka badan 100,000 km), Sidaas daraadeed Norway Waa mid kamida dalalka loo dabafadhiisto marka ay timaado kaluumeysiga wuxuuna dalkaan leeyahay labo hab oo waaweyn oo kaluumeysi, Kalluumeysiga dabiiciga ah iyo Kalluumeysiga beerista ku saleysan (Fish Farming / Aquaculture),. Waxay leedahay beeraha kaluunka salmon (Atlantic salmon) ee ugu waaweyn dunida.Salmon-ka Norway ayaana ah nooca ugu badan ee Salmon ee loo dhoofiyo Yurub, Aasiya iyo Waqooyiga America, Qiyaastii 70% kalluunka ay dhoofiso Norway waa Salmon-ka ay beerto.

Batroolka kadib, isha labaad ee dhaqaalaha dalkaan ugu weyn waa kalluumeysiga. sanadkii lasoo dhaafay dhoofinta kalluunka waxey Norway ka sameesay ku dhowaad $15–20 bilyan oo doolar. Shiinaha oo kaliya ayaana ka kaluun ama malaay dhoofin badan.

Dalkaan wuxuu leeyahay Shuruuc adag oo diideysa in kalluunka loo dabo si xad-dhaaf ah,wuxuu heestaa Teknoolojiyad sare oo la socota tirada kalluunka iyo caafimaadkooda. wuxuuna si joogta u sameeyaa Cilmi-baaris uu ku ilaaliyo deegaanka badda. Dalkaan wuxuu tusaale u noqon karaa dalal badan oo maanta dhaqaale ahaan sabool ah, gaar ahaan marka la eego sida khayraadka badeed loogu rogi karo mid lagu  barwaaqoobo.


Tirada dadka Norway waxay gaaraysaa 5.5 milyan oo qof. Waa dal dadkiisu tiro ahaan yaryihiin marka loo eego baaxadda dhulkiisa, oo waa dalka 8-aad ee ugu dhulka weyn guud ahaan qaarada,
Dadka dalkaan intooda badan waxay ku nool yihiin xeebaha iyo magaalooyinka waaweyn, halka dhulka buuraleyda iyo mid aadka u qabow ee waqooyina ay cidloonayaan. Dadka dalkaan intooda badan waxay aaminsan yihiin falsafadda Friluftsliv — oo ah in lala falgalo dabeecadda deegaan. Waxaana jirta oraah oronaysa: “Ma jirto cimilo xun, ee waxaa jira dhar aan habboonayn.”

Dadka dalkaan ku nool 83–85% waa Norwejiyaan asal ah. Dadka Qaxootiga iyo soo-galootiga waa tiro xooggan oo o kaalin ku leh  shaqooyinka iyo dhaqaalaha casriga ah ee Norway, Wuxuuna dalkaan kamid yahay dalalka ay haweenku sida weyn ushaqeeyaan waxaana la sheegaa ilaa 80% oo dumarka dalkaan ah in ay shaqo tagaan,

Waxaa jira dad la yiraahdo Sami oo ah dadka asalka ee waqooyiga qabow, waxey leeyihiin xuquuq gaar ah, barnaamijyo waxbarasho, iyo barlamaan xaruntiisu tahay tuulo lagu magacaabo Kárášjohka, Luuqadood waa mid kamida labada luuqad ee rasmiga ee dalkaan uu leeyahay, luuqada kale waa Norwegian,ku dhawaad qof walba oo dalkaan u dhashayna waa uu ku hadli karaa luuqada English oo waa mid lagu barto iskuulada,

Sami

Diinta ugu xooggan dalkaan waa Kiristaan, laakiin dadka dalkaan ma ahan bulsho diimeed. In badan oo kamid ah ma aaminsana wax diin ah ama inuu Ilaah jiro, waana atheists. Waxayna warbixinnada qaar tilmaamayaan in ku dhawaad 40% dadka dalkaan ah aysan aaminsanayn wax diin ah. Marka la eego dad badan oo laga diiwaangeliyey kaniisadaha markii ay dhasheen, maantana aan aaminsanayn wax diin ah, waxay qiyaastu sheegaysaa in 70% oo dadka dalkaan ah aysan danayn diin.

Norway waa dal aan lahayn ciid ku habboon beerashada dalaga, haddana waa dal ka faa’iideystay kheyraadkiisa isagoo si hufan u maamulay.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top