Uganda waa dal dhaca Bariga Afrika oo caan ku ah khayraad dabiici ah iyo dhaqan qani ah. Waxaa lagu naaneysaa “The Pearl of Africa” ama “Luulka Afrika”; waa magac uu siiyay Raysalwasaarihii hore ee Ingiriiska, Winston Churchill, mar uu booqday sanadkii 1908, asigoona ku tilmaamay dalka ugu quruxda badan Africa.
Waa mid kamida dalalka ugu caansan qaarada, wuxuuna xad la wadaagaa Kenya, South Sudan, DR Congo, Rwanda iyo Tanzania.

Uganda waa dal leh buuro cagaaran, dooxooyin, harooyin waaweyn iyo dhul beereed aad u hodan ah. Harooyinka ugu caansana waxaa kamid ah Harada Victoria – oo ah harada ugu weyn Afrika – wuxuuna dalka Uganda kamid yahay dalalka haradaan ay dhacdo.
Dalkaan waxaa mara webiyo muhiim ah sida Webiga Niil, gaar ahan laanta loo yaqaan Niilka Cad, oo ka soo burqataa Harada Victoria. Wuxuuna sidoo kale dalkaan leeyahay cimilo diiran oo roobku ku badan yahay inta badan sanadka, waxeyna tani ka dhigeysa dalkaan meel aad ugu habboon wax-soo-saarka beeraha.
Uganda waa mid kamida dalalka Africa ee ugu taariikhda xasaasisan, waana mid leh sooyaal waxbadan ku gadaaman yihiin. Ka hor gumeystaha, dalkaan waxaa ka jireen nidaamyo boqortooyo oo dhulkaan muddo ka arimiyeen sida Buganda, Bunyoro, Toro, iyo Ankole, kuwaas oo qarnigii 19-aad lahaa nidaamyo dowladeed iyo bulsho aad u dhisan.
Qarnigii 19-aad dabayaaqadiisii, British-ku waxay qabsadeen Uganda, waxayna ku darsadeen dhulka ay xukumi jireen. 9-kii October 1962, ayeyna Uganda ka xorowday Ingiriiska. Xoriyada waxay bilow u noqotay marxalad cusub oo siyaasadeed, balse sidoo kale waxay albaab u furtay xukunno isbedbedelaya: afgambiyo militari, xasillooni darro, iyo kacdoono hubeysan.
Xoriyada kadib, Boqorkii Buganda ee Kabaka Edward Mutesa II ayaa noqday Madaxweyne sharafeed aan awood badneen, halka Milton Obote uu noqday Ra’iisul Wasaaraha dalka. Markii hore, nidaamka dowladeed wuxuu ahaa mid ku dhisan is-qancin u dhexeysa boqortooyooyinka iyo dowladda dhexe, laakiin isfaham-waa iyo khilaaf ayaa ka dhex abuurmay madaxda dalka, gaar ahaan Obote iyo Mutesa.

Sanadkii 1966, Milton Obote wuxuu bilaabay in uu awooda si weyn ugu leexiyo dhanka dowladda dhexe, isagoo ka baqayay in boqortooyada Buganda ay noqoto mid xukunkiisa carqaladeysa. Arrintani waxay dhalisay dagaal siyaasadeed iyo mid militari oo u dhexeeya dowladda iyo boqortooyada Buganda. Kadibna wuxuu Obote amar ku bixiyey in la weeraro qasriga Kabaka Mutesa oo ku yaallay Kampala. Waxaana weerareen ciidamo uu hogaaminayey Idi Amin Dada; kadibna Mutesa wuxuu u baxsaday dalka Ingiriiska halkaasoo uu ku dhintay 1969. Wuxuuna kadib Obote uu si buuxda u laalay nidaamkii boqortooyo, asigoona isku magacaabay Madaxweyne awood buuxda leh. Tani waxay ahayd tallaabadii ugu horreysay ee dalkaan uu u qaaday dhanka xukunka kali-taliska ah.
Sanadkii 1971, Obote wuxuu safar dibadda ah ku aaday Singapore. Intii uu maqnaana waxaa talada dalka si afgambi ah ula wareegay General Idi Amin Dada, kaasoo ahaa taliye militari oo uu Obote kalsooni buuxda ku qabay. Afgambigaas wuxuu u muuqday mid si fudud ku dhacay, waxaana shacabka badankood u arkeen Amin inuu yahay badbaadiye ay haboon tahay in la taageero.
Idi Amin wuxuu xukunka hayay 8 sano oo uu dhiig badan daatay. Waxaana lagu eedeeyaa dilka in ka badan 300,000 oo qof, oo isugu jira siyaasiyiin, aqoonyahanno, iyo qowmiyado gaar ah sida Acholi iyo Langi. Intii uu xilka hayey, gaar ahaan 1972, wuxuu dalka ka saaray dhammaan dadkii asal ahaan ka soo jeeday Hindiya iyo Aasiya, kuwaasoo door weyn ku lahaa dhaqaalaha dalka. Wuxuuna u qabtay muddo 90 maalmood ah; talaabadana waxey si weyn u gilgishay dhaqaalaha dalkaan.
Amin Dada wuxuu xiriir fiican la lahaa Qadaafi (Libya), Midowgii Soofiyeet, Kuuriyada Waqooyi, iyo Falastiiniyiinta, halka uu si weyn uga soo horjeeday dalalka galbeedka. Wuxuuna mar sheegay in Hitler uu ku saxnaa xasuuqa uu u geystay Yahuuda. Hadalada kale ee lagu xasuustana waa in uu aalaaba dhihi jiray: “Reer Galbeedku waxay doonayaan inay dib u gumaystaan Afrika, aniga ayaase hor istaagaya.” Wuxuu mar, asigoo xiran dhar-dhaqameedka Scotland, uu ku dhawaaqay in uu yahay Boqorka rasmiga ah ee Scotland. Waxaana la sheegaa in uu warqad jaceyl u qoray Boqorada Ingiriiska, asigoona yiri: “Hadii aad nin ragga oo buuxa dooneyso, mar soo booqo Kampala.”
Sanadkii 1979, mucaarad hubeysan oo ay taageerayeen ciidamada Tanzania ayaa weeraray Uganda kadib markii Amin uu duullaan ku qaaday magaalada Mutukula ee Tanzania. Ciidamada Tanzania iyo xoogagga Uganda waxay galeen Kampala bishii Abriil 1979, iyagoo xukunka ka tuuray Idi Amin, wuxuuna Amin u baxsaday dhanka Sacuudi Carabiya halkaas oo uu ku dhintay 2003.

Kadib dalka Uganda wuxuu cagaha la galay fawdo siyaasadeed. Intii u dhaxeysay 1979 ilaa 1986, Uganda waxaa soo maray 6 madaxweyne, kuwaas oo badankood xukunka ku yimid si kumeelgaar ah ama afgambi milatari. Burburka siyaasadeed iyo dagaallada sokeeye kadib, koox mucaarad ah oo hubeysan oo lagu magacaabi jiray National Resistance Army (NRA), ayaa la dagaalamaysay xukuumadihii is-bedbedelayay. Jabhadaasna waxaa hoggaaminayay Yoweri Kaguta Museveni, oo markii dambe talada dalka la wareegay Janaayo 1986.

Museveni wuxuu xukunka la wareegay asigoo 41 jir ah, walina kursiga ayuu ku fadhiyaa asigoo ah 80 jir. Wuxuuna markuu xilka la wareegay uu xasiliyey dalka, taasina wuxuu ku kasbaday taageero weyn oo gudaha iyo dibada ah. Laakiin waxaa lagu eedeeyaa musuq dhanka doorashada ah, asigoona badelay dastuurka dalka si uu usii joogo xukunka; 2005 oo la badelay xadka mudo xileedka iyo 2017 oo dastuurka laga saaray xadka da’da 75 sano, si uu xilka ugu tartamo asigoo jira 76 sano. Dhawaan ayuu ku dhawaaqay in uu u taagan yahay doorashada 2026, asigoona sheegay in uu dhaqaalaha dalka gaarsiin doono 500 bilyan oo doolar, halka uu maantay GDP dalkaan yahay ilaa 66 bilyan.
Uganda waxay leedahay barlamaan hal aqal ah, iyadoo xisbiga NRM (National Resistance Movement) ee Museveni uu weli yahay kan ugu awoodda badan. In kasta oo ay jiraan xisbiyo mucaarad ah sida Forum for Democratic Change (FDC) iyo National Unity Platform (NUP) oo uu hogaamiyo Bobi Wine, haddana dowladda ayaa si adag u caburisaa mucaaradka.
Caasimadda rasmiga ah iyo magaalada ugu weyn Uganda waa Kampala; in ka badan 3 milyan ayaana ku nool guud ahaanteeda. Waa xarunta siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga, iyo waxbarashada ee ugu weyn dalka. Magaca “Kampala” wuxuu ka yimid “Kasozi ka Impala” oo macna ahaan ah Buurta Impala-da. Impala waa nooc deera ah oo ku badan dalkaan. Magaaladaan waxaa laga helaa masjidka ugu weyn ee Uganda National Mosque, oo sidoo kalena loogu yeero Masjidka Gaddafi maadaama uu dhismihiisa maalgeliyey Muammar Gaddafi. Kampala waa xarunta waxbarashada ugu sareysa ee dalkaan; waxaana ku taala Jaamacada Makerere oo ah mida ugu faca weyn Geeska Africa, waxaana la asaasay 1922. Magaalooyinka kale ee waaweyn ee Kampala kusoo xiga waa Nansana oo ah magaalo si xawli ah u koraysa iyo magaalada Kira.

Dhaqaalaha Uganda wuxuu ku tiirsan yahay beeraha, kalluumeysiga, dalxiiska iyo adeegyada. Dadka dalkaan oo in ka badan kala bar ku tiirsan yihiin dhanka beeraha, waxyaabaha ugu badan ee ay dhoofiyaan waxaa ka mid ah Bunka, Tubaakada, Suufka, iyo Caleenta shaaxa. Waxaa la fahansan yahay in Uganda leedahay kayd saliid ah oo la filayo inuu door weyn ka qaato horumarka mustaqbalka; waxaana si tartiib ah u koraya wax-soosaarka saliida ceeriin ee gobolka Hoima. Waxaana lacagta dalkaan lagu magacaabaa Ugandan Shilling.
Dhinacyada kale ee dalkaan uu dhaqaalaha ka sameeyo waxaa kamida dhanka dalxiiska, oo dalkaan wuxuu si weyn qani ugu yahy xayawaanada duurjoogta ah, waxaana laga helaa qaar kamida beeraha qaran ee Africa ugu caansan. Waxeyna Uganda hoy u tahay oo laga helaa tirada ugu badan ee gorillaha buuraha ee khatarta ugu jira in uu dabar go’o. Meelaha sida weyn loo booqdo ee dalkaan waxaa kamida halka loo yaqaan Jinja, oo ay dadka qaar ku naaneesaan caasimada dalxiiska goobaha dabiiciga. Waxaana Jinja laga dhisay Biyo-xireenka Nalubaale ee korontada laga dhaliyo, waana isha ugu weyn ee korontada dalkaan soo saarta.

Ilaa 50 malyan oo ruux ayey dadka dalkaan gaarayaan, waxaana ku nool in ka badan 60 qowmiyadood (ethnic groups) oo kala duwan; waana kuwa uu dastuurka dalkaan aqoonsan yahay. Baganda waa qowmiyadda ugu weyn dalka, waxayna ku nool yihiin badanaa bartamaha Uganda, gaar ahaan gobolka Buganda, oo Kampala ka tirsan tahay. Waxeyna dadka Baganda shacabka Uganda ka yihiin 16–18%.

Uganda waa dal leh afaf badan—waxaa lagaga hadlaa in ka badan 40 luuqadood oo maxalli ah, laakiin Swahili iyo English ayaa ah luuqadaha rasmiga ah ee dalka. Swahiliguna dadka dalkaan si weyn ugama hadlaan; luuqada Luganda ayaana ah mida ugu balaaran dalkaan, waxaana ku hadlaan dadka Baganda.
Uganda dadka ku nool intooda badan waa Kirishtaan. Wuxuuna dalkaan kamid yahay dalalka Geeska Africa ee musliimiintu aad ugu badneen; waxeyna tirokoobyada u danbeeyey qeexayaan in ay dadka dalkaan ka yihiin ilaa 15%. Qarnigii 19-aad ayeyna diinta Islaamka gaartay, markaas oo ay dhulkaan u safreen ganacsato Caraba iyo Soomaali ah.
In ka badan 75% dadka Uganda waxay ka yar yihiin 30 sano, taasoo ka dhigeysa mid ka mid ah dalalka ugu dhalinyarada badan caalamka. Dadka dhalinyarada u badan iyo kheyraadka dabiiciga ah ayaana Uganda ka dhigeysa dal mustaqbalka laga filayo meel sareysa.

